Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qiimayn lagu Sameeyey Masuuliyiinta Khaatumo iyo Wasaaradaha, Yaa ugu Horeeya Yaase ugu danbeeya

Waxaa laga joogaa markii la dhisay Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo muddo 8 bilood ah waxana Maamulka Khaatumo iyo shacabka deegaanadaas oo is garab sanaya ay gaadheen guulo waa weyn oo ka dhex muuqa maanta Soomaali weyn

waxaa  u arkay  wanaag iyo horumar in aan  samayso barnaamij aan  ku soo bandhigayso Shakhsiyaadka iyo Wasaaraddaha guulaystay ee Khaatumo si kuwa hooseeya ay kor ugu kacaan oo wakhtiga yar ee haday ay ku talaabsadaan horumar la taaban karo lagana mahadin karo

waxaana  garawsanahay in aysan jirin Masuuliyiinta Khaatumo ee hada ka joogta ka hor Maamul iyo is xukun jiray sidoo kalena ma jirin dhaqaale xoogleh oo loo dhiibay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo balse waxa lagu xisaabtayey waa dalka iyo dadka sidoo kalena waxaa laga rabay Masuuliyiintu in ay sameeyeen Ragg ka rooni!, hadaba yaa sameeyey oo Guulaystay una baahan in la mahadiyo tusaale ay u noqdaan Bulshadda

waxaa soo daabici doonaa qormooyin ay tani ugu horayso oo aan ku eegayno Saddex-da Gole oo kala ah Maamul, G10, iyo Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo, Golaha Madaxtooyadda waxaanu u daynay Akhristayaashu in ay qiimeeyaan duruufo jira awgeed

Qiimayntu waxa ay noqonaysaa labo qaybood oo kale ah Shakhsiyaad aanu magacaabayo iyo Wasaaarado maadaa ay jiraan Halyeeyo mudadii Khaatumo jirtay aan hadh iyo habeenba ka nasan hawlaha Khaatumo balse hawshii loo igmaday ay tahay mid qabyo ah

Qaybta Kowaad

Magacyadda Masuuliyiinta Khaatumo ugu wax qabadka Wanaagsan

1. Kaalinta Kowaad

Maxamed Ducaale Cabdi ( Wasiirka Amniga ), Maxamed waxaa shakhsi karti, hufaan, Daacadnimo, Xilkasnimo muujiyey mudadii ay khaatumo jirtay waxana uu u babac dhigay hawl culus oo ay adag tahay in qof kaliya uu ka soo baxo, waxaana uu masuulkani sameeyey xidhiidho badan oo dhinac Diblimaasiyadda ah oo khaatumo ku naaloonayso, geesta kale waxaa uu hirgaliyey agab iyo hanti khaatumo ay sugay sidoo kalena hawlaha khaatumo ee ka bidhaabay Muqdisho ma jirto Maxamed Ducaale qof ku labeeyey oo aan ahayn gacan yara yaasha  caawiya

2.  Kaalinta Labaad waxaa ku wada jira labo Mas’uul

  • Yaasiin Axmed Sulub ( Wasiirka Arimaha Gudaha )
  • Xasan Cali Yuusuf ( Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Bulshadda)

waxa ay labada Mas’uulba muujiyeen karti iyo waliba madaalanimo inkasta oo aysan jirin wax badan oo u qabsoomi waayey  daruufaha dhaqaale xumo ee ku xeeran khaatumo awgeed

Xasan Cali Yuusuf iyo  wasaaradda Arimaha bulshadda waxa ay ku guulaysatay qiimaynta iyo xog urun rasmi ah oo deegaanadda khatumo sida ay ku yihiin Caafimaadka,Waxbarashadda, Biyaha dhamaanba Adeegyadda Bulshadda sidoo kalena waxa ay ku guulaystay markii kowaad in Imtixaanadka Ardaydda Khaatumo laga qaado sidoo kalena la diyaariyo Manhajkii waxbarashadda Dugsiyadda Hoose/dhexe iyo sareba ee Khaatumo ( Horumarka Wasaarada Arimaha bulshadda kuma waheliyaan Agaasimaha cidkale sida Wasiirka iyo ku xigeenadiisuba )

Yaasin Axmed Sulub waxaa uu sameeyey horumarka la taaban karo oo dhinac Arimaha gudaha sida Maamul u samaynta Gobaladda Khaatumo qaarkood, ka nadiifinta horgaladda Gobalka Cayn, Xidhiidhka wanaagsan iyo wada shaqayn Cuqaasha iyo Maamulka ah waxana Wasiirka qayb libaax leh ka qaatay Nabadayntii Mashaqadii Domco iyo waliba Dagaalkii Buuhoodle ee cadawga looga hortagayey oo kun jeer aanu wada galnay

3. Kaalinka Saddexaad

Cabdikariin Faarax Dhaaye ( Wasiirka Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ) Cabdikariin Faarax dhaaye waxa uu hormuud u noqday in bulshadda khaatumo kaligeed wax qabsan karto isla markaasna ay horumarin karto gobaledeeda iyada oo aan Haayad iyo cid kale wax ka sugin, waxana uu Cabdikariin sameeyey shaqo hawleed muhiim ah oo Wasaradiisa ah, Wasiir Cabdikariin isaga oo kaashanahay bulshadda Taleex ayuu bilaabay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan ee Taleex ma jirin dhaqaale ay Khaatumo u  qorshahaysay sidoo kalena waxaa ku wacad furay shakhsiyaadkii markii hore balan qaaday in ay bixinayaan kharashka Garoonka balse Cabdikariin waa ku guulaystay in uu Taleex ka sameeyo Garoon ku jira 10 ugu caalamisan Garoomadda Soomaaliya waxa kale oo uu qiimayn ku sameeyey kan  Buuhoodle oo uu dhawaan bilaabayo

Geesta kale waxa uu Cabdikarin cidhib tiray geed Yahuudka ka baxay dooxooyinka Beeraleyda Xalin Geedkaas oo nabaad guur ku waday dhulka Khaatumo

4.Kaalinta Afraaad

Maxamuud Shiikh Cumar ( Agaasimaha Arimaha Gudaha kuna shaqeeya Afhayeenimo) Maxamuud Shiikh Cumar waa geesi Wadani ah ugana yimi xilkii uu ka hayey Puntland KHaatumo awgeed markii lagu dhawaaqay in bulshadda khaatumo yeelanayso Maamul, waxa uu qayb libaaxleh ka qaatay dhaqaajinta Maamulka Gobalka Cayn iyo ka degmadda, Cashuur qadidda Degmadda Buuhoodle waxa uu nidaamiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha isaga oo kaa shaqaanya Wasiirkiisa

geesta kale waxa uu si joogta ah u difaaca Maamulka Khaatumo didib daabyadda kaga imaanaysa Cadaawaha isaga oo ku shaqeeyaa Afhayeenimo joogta ah taas oo ka dhigtay in Maamulka Khaatumo jaanqaad la yahay Siyaasadda Soomaaliya iyo tan geesta Afrika

5. Kaalinta Shanaad

Cabdi Faarax Mahad ( Cabdi SHube) Wasiir ku xigeenka Horumarinta iyo KHayraadka Dabiiciga ah, Cabdi Shube waxa uu mudadii hore muujiyey karti iyo xilkasnimo joogta ah waxana uu noqday Mas’uul iska dabqaada Hawd iyo Nugaal oo si joogta ah isku xidha Halganka KHaatumo ee xoraynta Laascanood, Cabdi Shube waxa uu aha Masuulkii Aasaasay Aaga dhexe ee Khaatumo oo qarka u saaray in uu Laascaanood  xoreeyo waxaana uu halganka ka ahaa laf dhabar taas oo ay markhaati ka yihiin Ciidamadda Khatumo ee ku sugan Buuhoodle,Taleex iyo Saaxdheerba

geesta kale Cabdi Shube waxa uu Abaabul xoogan ka sameeyey Uk gaar ahaan London oo uu hada ku sugan yahay waxa uu ku maqan yahay Cudur daar Rasmi ah iyada oo ay fasax siiyeen Madaxweynayaasha Khaatumo

Qaybta Labaad

qaybtan waxaan ku eegaynaa Wasaaradda Khaatumo ee la hirgaliyey Mudadii ay  Khaatumo jirtay ee hada shaqaynaya sida ay u kala horeeyaan waxana soo qaadanaysaa kuwa guulaystay inaga oo qayba Saddexaad ku xusayna kuwa Khasaaray

Magacyadda Wasaaradda Khaatumo ee Hirgalay

  1. Wasaaradda Arimaha Bulshadda
  2. Wasaarada Arimaha Gudaha
  3. Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiicga ah

Qaybta Saddexaad

Wasaradaha Khaatumo ee Horumarkeedu hooseeyo, sideese loo badbaadin karaa ?!

waxaa hubanti ah hadii Maamul jiro in Masuuliyiinta qaarna guulaysnayaan qaarna wax qabad la’aan iyo fadhiidnimo ay la shir imaanayaan sidaas darteed waxaa qaybtan saddexaad ku soo gudbinayaa Wasaaradaha Khaatumo ee hooseeya waxa ay u kala liitaan sida ay u kala sareeyaan

  • Wasaaradda Madaxtooyadda
  • Wasaaradda Amniga
  • Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha
  • Wasaaradda Maaliyadda
  • Xafiiska Afhayeenka Khaatumo

Golaha Xukuumadda Khaatumo waxa ay u muuqdaan intooda badan kuwo fadhiid ah oo aan kala aqoon wax bushadda u igmatay sidaas daerteed waxaa la gudboon Golaha Madaxtooyadu in ay maamulka badbaadiyaan wadadii ay doonaan ha u mareen e, waxaa muhiim ah G10 in ay soo faro galiso habacsanaanta Maamulka Khaatumo maadaa ay markii horeba iyagu magacaabeen yihiina marjaha siyaasadda ee loo noqonayo

waxaan Akhristow ku dareensiinayaa ma ogtahay in xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Khaatumo aysan qaarkoodba marin Dhaartii sidas darteed aysan ahaynba xubin Rasmi ah sido kale qaarkoodna aysan dib ugu noqon Taleex oo markii la magacaabay uun ay ugu danbaysay isla markaasna Marayka,Yurub iyo Afrika ku qabsadda Xaflado lagu soo dhawenayo aynua ku baxdo kiradda Hoteladda xafladaha lagu qabanayo lacag badan oo waxtar ah Ciidamadd Khaatumo

Gunaanadkii

waxaa ku soo gabo-gabeeynaya ma jiro maamul aysan ku jirin Shakhsiyaad iska dhafiya kuraasta uun mana jiraan maamul aysan ku jirin shakhsiyaad guntida dhiisha uga xidha sidii ay xilkooda uga soo dhalaali lahaayeen waxana garsoore u ah shacabka iyo Warbaahinta

ma jiro qof Khaatumo iga jecel mana jiro qof iga qarin badan dhalilaha iyo wax xumo tashiilka base qormadan waxaan u arkaa Toosin waxana u arkaa in ay tahay wanaag maada aan leehaya qofkaas wax ma qaban ee kanaa wax qabtay waana horumar ay gaadhay bulshadda Khatumo

sidaas darteed waxaa dhamaanteen inagu waajib ah in aynu ka hortagno wax kasta oo curdin dhalinaya Maamulkeena aynu garab istaagno Masuuliyiinta xilka inoo yahay una gudbino tolo kasta oo wanag iyo wax tar ah

Cabdqani Makhtal Maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com

00252616270484

 

 

 

 

 

 

Short URL: http://allssc.com/?p=42011

Posted by on Sep 26 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery