Olole Naafadeed Oo Maanta Laga Fuliyey Magaalada Buuhoodle, Ololahan Oo Qeyb Lixaadleh Ay Ka Geeysteen Ururka Qurbo Joogta SRO,Maayirka Magaalada Buuhoodle Ee Maamulka Khaatumo State,Iyo Qurbo Joog Kale Oo U Dhalatey Magaalada.(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay degmada Buuhoodle ee caasimada gobolka Cayn, Ololahan oo ay qeyb lixaad leh ka qaateen Ururka SRO oo uu wakiil ka yahay Mudane Faarax Xaaji Cabdi iyo Qaar ka mida qurbo joogta gobolka.
Ololahan ayaa bilaabmey saaka subaxnimadii ilaa iyo kadib salaadii duhurnimo, Yadoo ay sidoo kale ka qeyb qaateen shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle, Oo ay horkacayaan Xubno kamida Ururka SRO ” Faarax Xaaji Cabdi” Sidoo qurbo joogta u dhalatey magaalada Buuhoodle.
Sikastaba ha ahaatee Ololahan maanta ka socdey gudaha magaalada Buuhoodle ayaa ahaa mid lagu daryeelayo bilicda Magaalada Buuhoodle, Yadoo habeenkii xaley ahaana gudaha magaalada Buuhoodle uu ka da’ay Roob lixaad leh, Waxaana isla saakaba shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle iyo madaxda gobolka Cayn ee maamulka Khaatumo State ba ay ka qeyb qaateen sare u qaadista bilicda Magalaalada Buuhoodle.
Gabagabadii Ololahan Nadaafadeed ayaa waxaa qudbado kala duwan usoo jeediyey baxda saxaafada gobolka Cayn ugu horey Odey:Faarax Xaaji Cabdi oo ah Xubin Ururka SRO una sheegay Ururada qurba joogta ah in loo baahan yahay inay ka qeyb qaataan Horumarka iyo Bilicda Deegaanadooda Sool,Sanaag Iyo Cayn ba, Sidoo kale waxaa isna saxaafad horteeda ka hadley, Maayirka degmada Buuhoodle ee maamulka Khaatumo State”Cabdicasiis Ducaale Qanbi” Una sheegay warbaahinta in loo baahan yahay in waxbadan laga qabto bilicda deegaanka.
Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Qeyb Ka Ah Warbixntan Ololaha Nadaafadeed Ee Manta Ka Socday Gudaha Magaalada Buuhoodle.
Allssc News Desw/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn.


















Shabakada Wararka Allssc.com/Online Kala Soco Warar Sugan Somalia Iyo Caalamkaba.
Short URL: http://allssc.com/?p=40886













aamiin aamiin inadeero nimo qaali alle hainala jiro reer khaatumo state of somalia aaamiin waa qiiroodayinadeero