Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Magaalada Kismanyo Oo Lagu Duqaynayo Hub Culus

Kismaanyo(Allssc): Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto duqeyn culus oo ay geesnaayaan Maraakiib dagaal oo ku sugan xeebta magaaladaasi, iyadoona shacabka reer Kismaayo laga la’yahay Laba meel isku sheegtay.

Duqeyntaan ayaa bilaabatay goor dhaw, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in duqeynta ay ku bilaabatay ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay rasaas ku rideen martaakiibtaasi.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay in halkaasi ay ku geeriyoodeen 3 qof oo shacab ah iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badanyahay, waxaana duqeynta ay tahay mid ilaa iyo xilligaan ka soconeysa magaalada Kismaayo.

Dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay ka kala cararaan magaaladaasi, waxaana uuro madoow ay ka baxeesaa qaar ka mid ah saldhigyada Al-shabaab oo duqeyntaan lala eegtay, iyadoona xaaladda aan la ogaan karin sida ay ku dambeen doonto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Allssc News Desk

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=39734

Posted by on Sep 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery