Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo si Xeeladaysan u Khaarajiyey R/wasaarihii hore Cabdiwali Gaas ( Warbixin Xiiso Badan)

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa taatigadii u danbaysay oo ku khaarajinayo Cabdiwali Gaas u dhigay ka dib markii uu Madaxweynuhu ka cudur daartay in uu u safro Dalka Maraykanka oo uu ka furmayo Shirweynaha Qaramadda Midoobay

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa shirkaas u wakiishay R/wasaarihii hore ee Dawladii ku meel-gaadha ahayd Mudane Cabdiwali Cali Gaas  waxana dadka Saadaaliya Siyaasadda soomaaliya ku macneeyeen in ay tahay Fursadu  uu madaxweynuhu ku khaarajinayo Mr Gaas isla markaasna inta uu maqan  yahay uu magacaabayo R/wasaare  ay siyaasadda ku kala fogyihiin

saddexdii maalmood ee ina dhaafay ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu fursad ka waayey Cabdiwali Gaas oo iska dhex fadhiyey Xafiiska Madaxweynaha isla markaasna aysan Baratikool ahaan celin kari waayeen Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha iyo Ciidamadda Ilaaladda maadaa uu  sii yaho xilka R/wasaarenimo waxana uu la socda dhaqdhaqaaqa Xafiiska Madaxweynaha

R/wasaarihii hore DKM ayaa waxa la soo gudboonaatay fadeexado Siyaasadeed oo hadheeyey ka dib Doorashadii Mdaxweynenimadda maadaa markii loo gudbayey Wareega Saddexaad uu damcay in uu Heshiish la galo Madaxweyne Xasan Shiikh balse uu ku hungoobay oo cod-dheer uu Xasan Shiikh ku yidhi ma jirto WAX HESHIISH AH OO AAN KULA GALAYO  balse la taliyayaashiisa   Siyaasadda  Xasan abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ay ku cadaadiyeen in uusan codkiisa siin Shiikh Shariif

Cabdiwali Gaas waxa kale oo dab  siyaadeed kaga shidmayaa dhinac Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn uga soo horjeeda in Beesha Cumar Maxamuud ay ku soo noqoto kursiga R/wasaaraha Soomaaliya isla markaasna arinkaas ku baaciyey Marwo Caasha Geelle oo musfadhi u ahayd Golaha Wasiiradda Puntland, waxana Baacinta Caasha Geelle la sheegay in ay ka danbaysay ka dib markii ay iyada iyo Faroole isku afdhaafeen cida  Puntland ay ku taageerayo R/wasaarenimadda isla markaasna uu faroole jeebka  kala soo baxay Siyaasi ka soo jeeda Qardho balse Caasha ay arinkaas si weyn uga biyo diiday ku barooratay shirkii Golaha Wasiiradda ka dib Wiilasha Faroole ay xooga u saareen Madaxtooyadda

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

sidoo kalena waxaa iyaduna sii yaraanaysa rajadda ay ka qabaan in R/wasaaraha ay ku soo noqdaan Beesha Majeeteen waxana arinkas daaha ka fayday Webka ku hadla afka Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn u aflagaadeeyey beesha Hawiye isla markaasna bilaabay Qiiro iyo beer la xawsi beesha Daarood oo waa hore ay kala diree waxaanuna leenahay WAA BAA QASA LOO TUKAN JIRAY

isku soo wada xooriyoo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa in uu dhawaan soo magacaabo R/wasaare karti,Aqoon Maamul Wanaag leh oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan iyo Dhulbahante midkood waxaana labaddan beeleed ay ka wadaan Muqdisho Olale xoogleh kaas oo si weyn looga dareemay Muqdisho

 

allssc@hotmail.com

info@allssc.com

 

Like!
0
  • Like!
    0

Comments: