Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Si Quruxbadan U Baneeyay Madaxtoyada Iyo C/wali Gaas Oo Wali Diidan Inuu Ka Baxo Villa Somalia (Daawo Maqal Muuqaal).
Muqdisho(Allssc): 11 bishan ayay ahayd markii si xor ah lo doortay Madaxweyne uu yeesho Dalka Somalia iyada oo dhanka kale laga baxay ku meel gaadhnimadii, Kooxdii Afduubayaasha iyo qabqablayaasha. Waxana si Xor ah loo doortay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxweynahan oo noqday Madaxweynaha ugu horeeyay oo si xora loo doorto mudo ka badan 40 sano. Madaxweynahan oo dhamaan bulshada Somaliyeed u hambalyeeyeen ayaa sidoo kale waxa u hanbalyeeyay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii ka horeeyay. Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa durba ku wareejiyay Madaxtooyada Madaxweynaha Cusub ee Somalia. Balse waxaa isagu wali kala maqan Hanbalyadiisii Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia C/wali Gaas kaas oo wali ka gows adaygaya inuu dhaafo Villa Somalia. C/wali Gaas ayaa wali isku mashquulinaya shirar Macno daro ah iyo kulano aan qiimo ku fadhiytin, isaga oo wali aan ka xidh xidhan Villa Somalia.
Warar hoose ayaa sheegaya in Cabdiraxman Faroole uu kula taliyay C/wali Gaas inuu ku sugnaado Villa Somalia halkaas oo ay quudaraynayaan inay fadqalalooyin ka bilaaban hadii uu Madaxweyne xassan Shiikh Maxmauud uu u magacaabi waayo Ra’isal wasaraha Somalia.
Halkan Hoose Ka Daawo C/wali Gaas oo marba Shir ku qabanaya Villa Somalia.
Halkan Ka Daawo
Halkan Hoose Ka Daawo Madaxweynihii Hore Ee Somalia Shiikh Shariif oo Si Hufan U Wareejiyay Madaxtoyada
Halkan Ka Daawo
Allssc News Desk Muqidhso
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=40949












