Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Xubnihii kale Oo Hada La Dhaariyay(Aqriso Magacyadooda)
Wararka ka imanaya Xarunta Iskool Buluuziyo ee magaalada Muqdisho uu kasocdo Kulanka Baarlamanaka ee Maanta lagu dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhaariyay 20-Xildhibaan oo u badnaa Hogaamiyaashii Kooxaha iyo Xubnihii kale ay dib u celiyeen Gudigii Farsamada.
Xubnahan hada la dhaariyay ayaa u badan Hogaamiyaashii Kooxaha waxaana la filayaa in goordhaw si Toos ah uga qeyb galaan Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya maadaam ay kamid noqdeen Baarlamaanka.
Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ah.
1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Bootaan Ciise Caalin
3-Cumer Maxamuud Maxamed (Filish)
4-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
5-Maxamed Ibraahim Xaabsade
6-Cabdi Casiis Sheikh Yuusuf
7-Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi
8-Axmed Ducaale Geele Xaaf
9-Xirsi Aadan Rooble
10-C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf
11-Maxamed Farax Jimcaale
12-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor)
13-Maxamed Xuseen Isaaaq Afaraale
14-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe
15-C/llaahi Shiikh Ismaacii
16-Xuseen Warsame
Xubnaha la dhaariyay ayaa gaaraya ilaa 20-Xubnood hasa ahatee waxaa noo suurto gashay in ana helno 16-kamid ah Xubnahaan la dhaariyay.
Short URL: http://allssc.com/?p=40502












