Dugsigayada Waxlagubaro Ardeyda Agoomaha Ah Ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle Oo Maanta Shabakada Allssc Booqasho Ku Tagtey.(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Ardeyda Agoomaha ah ee wax lagu baro gudaha magaalada Buuhoodle ayaa ah kuwo tiradoodu kasii badaneyso intii ay horey u ahaan jireen.
Ardeydan oo wax lagu baro dugsiga H/Dhxe ee Darwiish, Ee magaalada Buuhoodle xiliga galinka danbe ayaa maanta waxaa booqasho ku tagey halkaasi shabakada Allssc yadoo aanu u kuuro galney qaabka waxbarasho ee Ardeyda Agoomaha ah.
Hadaba waxaa faah faahin naga siiyey qaabka ay Ardeydan Agoomaha ah wax u bartaan iyo halka ay waxbarashadooduba mareyso maamulaha waxbara Ardeydan Ms Ismahaan oo ah yadu macalimada sida habsamida ah wax u barta Ardeydan waxayna noo sheegtey:- In waxbarashada ardeydan tahay mid meel sare mareysa.
Sidoo kale waxay macalimadani noo sheegtey iney jiraan Qaar ka mid Jaalida yagu deegaankan kasoo jeeda oo markaasi waxtarka Ardeydan Agoomaha ah iyo waxbarashadooda ka qeyb qaata.
Hadaba macalimada xushmada mudan ee yadu ah maamulaha Ardeydan Agoomaha ah ee Ms Ismahaan ayaa waxay sheegtey in ay qaar ka mida Ardeydan yihiin kuwo ay gaarsiisey kaalin wanaagsan isla markaana ay qalin jabin doonaan, Yadoo macalimadu sheegtey inay Xaflad u qaban doonto maal maha soo socda.
Sikastaba ah ahaatee Ardeydan Agoomaha ah ayaa ah kuwo in badan u baahan in waxtarkooda iyo Waxbarashadoodaba laga qeyb qaato, Yadoo macalimiinta qacanta ku heysa Ardeydan Agoomaha ah ay sidoo kale sheegeen in ay jiraan waxyaabo badan oo looga baahan yahay horumarka iyo Waxbarista Ardeydan Agoomaha ah.
Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Ardeyda Agoomaha Ah Ee Waxlagu Baro Gudaha Magaalada Buuhoodle.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=42032























Salaamayaa dhamaan unadapted somalinews meelay joogtaanba AMA xataa Kuwa aan somalida ahayan laakiin akhristayaal Kara afka somalida bacad salaan Waxaan aad uga helay inay jiraan dad isu xilqaamay wax barida agoomaha waa arin aad u qiimo badan aakhiro Iyo aduunkaba laakiin waa hadii la iska ilaaliyo xaqa agoonta waa xil aad u culus.
Wa bilaahi towfiiq