Khudbadii ugu horeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh (Daawo Ama Dhageyso)
Muqdisho (Allssc.com)
Waxaa caawa markii la doortey kadib khudbad jeediyey madaxweynaha cusub ee la doortey mudane Xasan Sheekh Maxamuud isla goobtii lagu doortey, taasoo ah khudbadiisii ugu horeysey.
Waxa uu kaga hadlay guusha uu gaaray sida ay suurta gal ugu noqotay, waxaana dhanka kale uu u hambalyeeyay cid walba oo tartan la gashay, isagoona dhanka kale aad u amaanay xildhibaanada iyo gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale waxa uu ka cudur daartay inuu Khudbadiisa ku dheeraado dadka oo aad iyo aad u daalan awgeed, waxaana uu sheegay in maalinta caleema saarkiisa uu khudbadiisa rasmiga ah goobtaa ka jeedin doono hadii Alle idmo.
Halkan Ka Daawo Qudbadii Madaxweynaha
Allssc newsdesk.
Allssc.com
allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=40596













