Deg Deg: Magaalada Qardho Oo Ay Ka Socdaan Mudaharaado Balaadhan oo Loogasoo Horjeedo Faroole Iyo Ciidamo Ka Baxay Garoowe Oo Kusii Jeeda Qardho (Daawo Sawirada Mudaharadka Qardho).
Qardho(Allssc): Mudaharaado balaadhan ayaa ruxan galabta Magaalada Qardho kuwaas oo looga soo horjeedo C/raxmna Faroole. C/raxman Faroole ayaa ka baaqsaday socdaal uu ku tagi lahaa Magalada Qardho kadib markii uu ka war helay in shacabka Qardho aysan ku qanacsaneen Maamulkiisa. Magaalada Qardho ayaa ku gabal dhacsatay Sawaxan Qaydho iyo Ololka Sayirada Gawadhida oo la gubayo waxaa iyagu albaabada iska xidhay qaar yar oo Maamulka Garoowe ju jogay magaalada Qardho.
dhinaca kale Magaalada Garoowe ayaa cawa waxaa la arkayaa Maleeshiyaad u jihaystay dhanka magaalada Qardho kuwaas oo aan ila hada la ogayn cida hogaaminaysa iyo qorshaha ay u dajinayaan Magaalada Qardho. Mar Saxafada wax ka waydisay Sarkaal ka tirsan cidanka Faroole ayaa ka gabsaday inuu faahfahin ka bixiyo ciidamadan wata gadiidka dagaalka ee u jihaystay dhanka magaalada Qardho.
Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=41602


























