Deg Deg: Maamulka Galmudug Iyo Ahlu Suna Oo Ku Heshiiyay In Ay Wada Samaystaan Maamul Cusub
Gaalkacyo(Allssc): Waxay goor dhaw ay cadeeyeen Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe inay yeeshaan Maamul mideysan, kaasoo ay labada dhinacba ay markaasi ku mideysan yihiin.
Maamulka Galmudug oo horey u soo jeediyay inay Midoobaan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay Ahlu Sunna ay galabta aqbashay inay la-midowdo Maamulka Galmudug.
Xoghayaha Baaarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Daahir Yaasiin Warsame iy wefdi uu hogaaminaayay oo maanta soo gaaray Magaalad Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay Magaalada Guriceel kulan ay kula qaateen Saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefow iyo Xoghayaha Baaarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Daahir Yaasiin Warsame, ayaa waxay galabta labaduba ay ku dhawaaqeyn inay gaareyn heshiis ay u dhan yihiin.
Xeefow ayaa wuxuu sheegay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Galmudug, ay ku yeshiiyeen inay yeeshaan Maamul Goboleed ay labada dhinacba ay u dhan yihiin, kana shaqeeya buu yiri Gobolada Dhexe oo dhan.
Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa waxay isku raaceyn inay ka wada hawl-galadaan Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, mana cadda sida ay taasi xilligaan suura-gal ay ku noqon doonto.
Goordhow kala soco Warbaahinta Allssc Wararkan Oo Maqal Iyo Muuqaal ah Hadii Alle Ogolaado
Allssc News Dsk
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=40081












