Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Col: Barre Hiiraale Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Allssc): Waxaa shalay galinkii danbe Soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ka tirsan Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee dagaalada Qaraar kula Jira  Kooxda Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya.

Barre Hiiraale ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho Qaar kamid ah Siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Col Bare Hiiraale oo la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in safarkiisa Magaalada Muqdisho uu ku saabsanyahay sidii uu Madaxda Cusub ee DFS ogala hadli lahaa Isbadalka ka soconaya Gobolada Jubooyinka Wuxuuna xusay sidoo kale inuu gaari doono Xajka hadii alle idmo isla markaana uu dib ugu laaban doono Deegaanadii uu markii hore ka yimid.

Barre Hiiraale ayaa la filayaa inuu Muqdisho ku sugnaan Doono Maalmaha fooda nagu soo hayo, waxaana uu sheegay in uu kulamo sidoo kale la qaadan doono Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya.

Barre Hiiraale oo ka hadlayay Dagaalada ka soconaya Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay inay guul ka gaareen isla markaana ay haatan ku dhow yihiin Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay  Dagaalada ay Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Ahlusunna Wal-jamaaca ka wadaan Gobolka Gedo ee Koonfurta Wadanka Soomaliya, wuxuuna Tibaaxay inay maalmaha soo socda dhamaystiri doonaan Deegaanada yar yar ee Haraadiga Malayshiyaadka Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka.

Sikastaba Hadalkani kasoo yeeray Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa imaanaya xili Magaalada Kismaayo deegaano u dhow dhow ay dagaalo qaraari ku dhex marayaan Al-shabaab iyo Dowlada Soomaliya Kenya Raaskambooni.

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41572

Posted by on Sep 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Col: Barre Hiiraale Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho”

  1. imaatinka bare wuxuu saansaan u yahay bilowga is barbaryaaca lagu doonayo in taliye guud loo magacaabo jubooyinka in kasta oo ay tahay figrad fiican hadana waxaa haboo in ciidamadu isu gartaan cida ku haboon in ay bare tahay iyo in kale si aan khilaaf u dhex gelin ciidamada dowlada iyo kuwa kale ee maleeshiyooyinka ah.
    barena waxaad moodaa in uu degdegayo kana hor dhacayo xoraynta kismaayo sidaasi darteed waxaa haboon in aan cidna la magacaabin laguna xoreeyo kismaayo sida ay xaaladu tahay.
    xorayn kadibna wixii dawladu u magacaabaysaa waa wax aan dhibi ku jirin hiiraale waa in uu dib ugu noqdaa furintii soona dhamays tiraa shaqadii uu hayey.
    mustaqbalkana uu ku sugaa jubooyinka halkaas ayaa lagaga warhaynayaa.
    thank you.

  2. Ali 24

    Adeer Barre Hiraale waa nin u qalma in loo dhiibo ciidamada jubbooyinka si looga ilaaliyo faragelin Faroole

Qormadaada

Photo Gallery