Banaanbax Waeyn oo Madaxweynaha Cusub Lagu Soo Dhaweynayo oo Caawa Ka dhacey Magaalada Buuhoodle
Buuhoodle (Allssc.com)
Waxaa isla xilgii ladoortey madaxweynaha cusub kadib banaanbax balaadhan oo soo dhaweyn ah uu ka dhacay badhtamaha caasimada magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn.
Banaanbaxan ayaa waxaa lagu soo dhaweynayey madaxweynaha cusub ee isla caawa la doortey Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.
Dadka isu soo baxay ayaa waxey isugu jireen dhamaan qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay bulshada sharafta leh ee ku dhaqan caasimada gobolka Cayn ee Buuhoodle. Daweynihii isu soo baxay ayaa halkaa waxey kusoo bandhigeen gabayo, buraanburo iyo heeso wadaniya oo kahadlaya isku duubnida iyo wada jirka shacabka soomaaliyeed.
waxey kaloo halkaa shacabku kusoo bandhigeen cayaaraha quruxda badan ee hidaha iyi dhaqanka soomaaliyeed, waxaa kaloo aad ugu duceeyey madaxweynaha cusub odayaasha, islaamaha iyo dhamaan wax gardkii goobtaa isugu yimi, waxeyna dhamaantood ugu duceynayeen in ilaahey xilkaa culus madaxweynaha la garab qabto.
Shabakada caalamiga ah ee ALLSSC:COM waxey isku taxalujinaysaa iney idiin soo gudbiso qaar ka mida sawiradii laga qaadey damaashaadkii iyo soo dhaweyntii shacabka degmada Buuhoodle kusoo dhaweeyeen madaxweynahooda cusub Mudane Xasan sheekh Maxamuud.
allssc.com
Buuhoodle
allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=40607














Mansha allah reer buuhoodle waa dad wadaniyiin ah halkaas kahaya