Banaanbax Laga Soo Horjeedo Yuhuudka Nabigeena Maxamed”NNKH” Aflagaadeeyey, Oo Maanta Ka Dhacey Magaalada Buuhoodle.(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Banaabax baaladhan oo saaka ka dhacey gudaha magaalada Buuhoodle, Kadib markii shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle ay iskugu soo banaanbaxeen Fagaarayaasha waa weyn ee gudaha magaalada sida garoonka weyn ee kubada cadta Xabado Studuim ee magaalada Buuhoodle.
Banaanbaxan oo lagaga soo horjeedey Yuhuudkii Xaaraamiga ahaa, Ee Nabigeena Maxamed”NNKH” aflagaadeeyay, Yadoo banaabaxani markii danbe ay qudbado kala duwan shacabka Muslimiinta ee ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle u soo jeediyeen, Culimaa’udiin, Cuqaal,Waxgarad iyo Masuuliyiin kaleba, Yadoo halkaasi lagu dhaleeceynayay Gaalada ku Gaftey Nabigeena Maxamed”NNKH”
Waxaana madashaasi qudbado aad u mac macaan, Isla markaana dareenka umada Muslimiinta ah kor uqaadayey kasoo jeedyey, Ugu horeyn, Caaqil Aadan Cali Axder, Oo horkacaya cuqaasha gobolka Cayn.
Sidoo kale Culimaa’udiinta gobolka Cayn, Waxgaradka gobolka Cayn, Masuuliyiin kale, Yadoo dhamaanba madashaasi laga soo wada jeediyey qudbado aad u qiimo badan, Isla markaana hantey dareenka Umada Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Cayn.
Si kastaba ha ahaatee, Shacabka ku dhaqan gobolka Cayn, Ayaa dhaleeceen balaadhan u soo jeediyey Gaalo yagu gudaha bishan Aflagaado u geeystey Nabigeena Maxamed”NNKH” Yadoo ay shacabka reer Buuhoodle balan qaadeen iney madaxa Gaaladaasi iibsan doonaan hadii ay arkaana Qisaasi ku waajibtey, Isla markaasna farey umada Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan in wax laga qabto, Aragti mideysana ka qaataan Umada Islaamka ahi.
Ugudanbeytiina Banaanbaxani ayaa ahaa mid bilaabmey saak subaxnimadii hore, Soona gabagaboobey xili ay ku dhaweyd Salaadii duhurnimo, Yadoo Umada Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Buuhoodle aaney u kala hadhin ka qeyb qaadashada Banaanbaxai lagag soo horjeedo Gaaladii Aflagaaadada u geysatey Nabigeena Maxamed”NNKH”.
Hadaba Hoos Ka Daawi Sawirada Banaanbaxani Saaka Ka Dhacey Magaalada Buuhoodle.
Goordhow la soco Video ga Banaanbaxan Oo Dhameystiran……………
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=41263


























asc in laga dhiidhiyo aflagaadada loogeestey nebigeenii suubanaah waa wax aad u wanaagsan laakiin buuhoodle waxa ka muuqadah calaamadihii all shabaab waxa lagu sheegayaah waaba run tanaah markaati u ah calaamadiihii odhan baa sawradani muujinayaan
asc dhaman umada muslimiinta aha waxaaa inagu soowajahan jihaad marhidii gaaladii waxay wadaba maanta rasuuulkeenii usoodhigatay cswsm halaga hortaga af iyo adinba iin sha allaah. Allaah ahimideeyo muslimiinta dhamaantoodba
alahu akbar hala iska celiyo hana la laayo gaalada nabigeena suuban aflagaadaysay wll beesten adna waxan kuu sheegaya in alshaba an meesha laga gahadlayn ee galada nabiga iyo diintaba caayay af iyo adinba wax lagaga qabto wasalamu aliykum