Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Alla haw naxariistee Waxaa Magaaladda Laascaanood ku geeriyoodey Nuur Maxamed Cali “Nuur-Gadhle

Laascaanood(Allssc): Ilaahay Naxariistii janno ha kawaraabiyo, Eheladii iyo qaraabadii  uu ka geeriyoodeyna samir iyo imaan ha ka siiyo. Nuur-Gadhle oo da`diisu ahayd 79 jir waxa uu ku dhashay magaaladda Buuhoodle sanadkii 1933dii waxaanu waxbarshada hoose iyo dhexe ku soo qaatay magaaladda Burco, waxbarashada Caafimaadka oo kalkaaliye ah waxa uu ku soo qaatay magaaladda Sheekh. Alla Haw naxariistee Nuur-gadhle waxa uu shaqada Kalkaaliye Sare oo caafimaadka ah ku hawlgalay sanadkii 1951dii waxaanu ka soo sheqeeyey meelo badan oo dalka ah oo ay ka mid yihiin Sheekh, Burco, Muqdisho iyo Garoowe isagoo sanadihii sideetamaadkiina loo soo bedeley magaaladda Laascaanood oo ilaa haatan ka hawgelaayey.

Nuur-Gadhle waxa uu dhalay 63 caruura waxaana haatan nool 47 ay 28 gabdha yihiin waxana ay wasiilada uu ka tegey haatan yihiin 167 ruux oo dunida dacaladeeda ku kala nool. Alla haw naxarisstee Nuur waxa uu ahaa sida ay dadka reer Laascaanood sheegayaan nin aad u naxariis badan kuna dadaali jirey horumarinta caafimaadka magaaladda Laascaanood inkasta oo sanadihii u danbeeyey uu ahaa mid xanuun laasimey. Dhamaantayo waxaan tacsi u diraynaa markale bahda Caafimaadka oo u horeeyo Dr. Siciid Warsame Golle “Shahaado” oo ahaa saaxiibkiisa koowaad.

Allssc News Desk

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41606

Posted by on Sep 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Alla haw naxariistee Waxaa Magaaladda Laascaanood ku geeriyoodey Nuur Maxamed Cali “Nuur-Gadhle”

  1. asc dhamaan bahda Allssc oo aan ku salamayo salanti islamka …
    iyo mid waliba khaatumaysan ,,,,
    Allssc…hadan ku horeeyo..cawa wanaga ay u hayso khaatumo iyo hawsha ..qaran ee ay u hayso somali wayn ..waa hawl kartinimo daacad iyo..hufnaan ku dheehantahay yadoo mar walba aad ka dareemaysid inay ka adagtahay dadka qaranimada diidka ah.. ama ,khaatumo wanaag diidka ah..
    MArka LAbaad ;
    TAcsi TIiraanyo leh
    waxan halkan uga diraya tacsi tiiraanyo leh…oo aan leeyahay dhamaan reer nuur gadhle..ilahay haw naxariistee…
    iyo reer khaatumo oo idil inu ilahay samir iyo imaan ka siyo Dr nuur si fican ban u aqanay qof inbadan dadka u adeegayay bu aha waxana ku han waynahay oo ilahayna uga baryaya in adeegii uu dadka u hayay ugu abaal mariyo qabriga oo loo nuuriyo…iyo janada fardowsa maqamkeda,.. sare…
    xooga aboor baa leh intuu xogisu jirayna waa dadaalay….ilahay haw naxaristo..janadana Ha geeyo amin
    ilma nuur gabadh iyo wiil baan ka aqanay mudo 10 sano ahna iigu danbaysay iyana samir iyo imaan baa leeyahay geeridu aqoon bay kugu gashaaye…wa asc

Qormadaada

Photo Gallery