Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Abwaanka Weyn Ee Reer Khaatumo State,Abwaan Yuusuf Maxamed Aar”Yuusuf Suusle” Oo Tiriyey Gabey La Magac Baxay”Canaan Waayeel”.(Akhriso Gabeygan.)

Buuhoodle(Allssc)Abwaanka weyne ee kasoo jeeda deegaanada Khaatumo State Of Somalia, Abwaan Yuusuf Maxamed Aar”Yuusuf suusle” ayaa dhawaan soo saarey gabay uu tiriyay oo markaasi la magacbaxay”Canaan Waayeel”.

Abwaankan ayaa ku sugan wakhtigan wadanka Gader, Yadoo Abwaan Yuusuf Suusle ka mid yahay Abwaanada hada sida tooska ah murtidooda looga dhageysto gudaha dalka gaar ahaan deegaanada Khaatumo State.

Abwaankan ayaa ah Abwaan kasoo jeeda gaar ahaan gobolada Khaatumo State gobolka Cayn oo ay markaasi tahay magaalada uu ku dhashay amaba sida rasmiga ah degan yahay.

Hadaba aan u gudubno Gabeyga Abwaan Yuusuf Suule tiriyey dhawaanadan oo markaasi uu ugu magac darey” Canaan Waayeel, Isaga oo midhaha gabeygan amaba murtida gabeygan abwaanku sida tan u qorey:-

1 maxamuud caddoow gabay adaa iga culuun roone
2 wax badan baad cajlado buuxisoo caashaq ii galaye
3 maantana codkaagiyo murtidu way cuntamayane
4 canaan waalid baad jeedisiyo cabasho waayeele
5 ninkii maanso kugu caaridaa waa carruur weliye
6 ama waa col daahii go,ay cadanyo haysaaye

7 nin shisheeye calankaw sitoo caabbiyaan ahaye
8 nin sokeeye igu ciiro aan caayo laga roone
9 hayeeshee wixii ku caddibaad cadho higgootaaye
10 cidhiidhina naftayday gesheen oo cabudhiyeene

11 canaadigu wax badanbuu jiriyo caada qaatuhuye
12 cangaliyo nin liitaa mudduu nagu cillaallaaye
13 calafsade adduunyada waxay cunilahaayeene
14 caymaynu weli leenihiyo caaddilkaa bariye
16 tobankii canbuulayste iyo caaglahaa badane
17 inta aad calaamaysay ee caalamka u sheegtay
18 celiyaaywax badaan lahaa cawro wayaga,e
19 raggii ila ceshiimayn lahaa ciidda hoos mare,e
20 carab yuusuf oo nool sidaa uma ciyaareene
21 caqabada hortaalliyo bulshada ciriqa waynaaday
22 inkastoo ragkale caawiyaan waa cumdaha dheere
23 cali aadaniyo tuudhe waa ku cadfanaayeene
24 cadaad iyo cayaariyo bahiyo faatax ka carceerye
25 intuu colow jaleeliyo hayaag dibu collaysiiyey
26 cigaal faarax buu ku habsadiyo cuurki bahugaadhe
27 anigaa celcliyuu dhahaa caydha reer hagare
28 mar horay caraaliyo wacays cuni lahaayeene
29 dadka kalena waa ii cudhaadh aan cabiidsado,e
30 sidii adhi cusbaw jeelayoo ay carro u taallo
31 markaasuu cagaarka u lolaa caammo goosanahe
32 inkastuu camaalaqa wadiyo ciiradiyo qiiqa
33 cayuuntii galbeediyo ka timi badaha cuunkooda
34 mar haddaanu cudud siinahayn ama la ceeshaynin
35 isagiyo ninkuu ciidansado waa cafiyayaaye
36 curdan dhadhiye selebaanna waa cawladh geedo ahe
37 waakaa xagluhu ciirayaan uu candhaadhsadaye
38 coomaadde lalayaan is idhi waa camiid qarane
39 cirka geeya waataan lahaa caaddifiyo hiile
40 maruumbuu sidii caasha badhi cawska ii galaye
41 waatay gobaysane curtiyo cirir gu,moodeene
42 ee ay cidaad dhiisha iyo culay ku boobeene
43 cashi iyo dhukaan buu noqdiyo calaw abaareede
44 carrabkiyo inshaarada tolkaa waa ammuur culuse
45 cismaan kaarshe maantuu nabsiga ka cilmiyoonaayey
46 cali geri safara maalintuu coodanka u loogay
47 ee uu carraabada lahaa waa casare jooga
48 cashadii labaad faalladii cadan la waydaarshay
49 ciisaba ma qabin hooyadii cuudna kama gayne
50 ciidiyo nugaal oo dhanbuu caabuq ku ahaaye
51 waxba yuu calooshiina gubin cadawgi dhiiheeye
52 geeluba caleen dooga iyo carun ma waayeene
53 cosob hawd ku yaalliyo markuu cunayo deegaanta
54 ciinkiyo madheedhkaw masa,a cobolka laandheere
55 caasiga riddoobiyo wadaad caalimays dhalaye
56 awrbaa caroofiya haddana caynigii ba,aye
57 ninbaa jira awoowgii canjila caan ahaanjiraye
58 oo cimaamaddiisii garbaha ciilu saar tahaye
59 qambiyoo ciddiisawga dhaxa calalis waa beene
60 ciyi laguma eedayniniyo caado reer kale,e
61 isagay camuumiga tolkii u casunnaayeene
62 nin caddaalad badan buu ahaa oo ciddaw simane
63 cibaadada ilaahiyo sharciga waa cuslayn jiraye
64 afsoomaali cayn caynahoo codiyo miisaan leh
65 hawraar cakiran oo haddana ciidha ku aroorta
66 waa ninkay caddaan iyo madaw u ciraafeene
67 waa ninkii ismiidh oo cantaray ceel ku riday dheere
68 waa ninkay cadkiisaw dhigeen caarshe iyo giibe
69 camiiq laysu maagiyo hadduu cunufku waynaado
70 waa ninkaan caalaliyo way ku canlabeebayne
71 xaajada ragbaa ku cabbanay cadho ku seegtaaye
72 isagoo colaad loo hayuu caaqibayn jiraye
73 intaasoo calaamo ah hadduu coomirku hungoobay
74 cabdilaahi yaa iigu diray ceelalyada beesha?
75 yaa yidhi adaa caaqiliyo camayga buuhoodle?
76 ma canjaajuf baa gabay xilkii waa casilayaaye?
78 mise odayadii caagganaa yaa cid laga waayaey?
79 mise cali falliidhoow adaa ku caqli keefaaya?
80 canaasiirta yaa noo idmaday caariyaa timiye?
81 cabdi qawdhaniyo waa dameer calaggi dheeraaye
82 labadaba ciwaankoodu waa ciya habeekiiye
83 cunsuriga faroolaa ka dhigay caammil iyo tuuge
84 waxba yaan cambaashaa nin lay cambacambayne
85 waxba yaan malloolliga cayilay noqonin caydiide
86 carruuraha intuu dubanayaa waa cashiyo wiige
87 cidhib male hadduu jeeniyare cunay dhashiisiiye
88 cuqubada u taallaa berray coofahaw geliye
89 curri iyo xariir maalin bay wada carraabeene
90 labadaba halkii loo cayimay lagu cashaysiiye
91 nin waluba wuxuu caasha dhigay cariy0 waabaye
92 cagmarooje waa kii danniyay ceedhinka horyaale
93 curraafayta iyo faalku waa caado dhagareede
95 ximre cawlan baw soo bixiyo caysane afyuube
96 mooradu inay cigantihiyo caytankii aragye
97 markaasuu colaadda u guntaday waa cabsi u jooge
98 isagiyo cimlaaqii gafuur yaysku ciidanehe
99 hayeeshee casaan beenlihii cooshad ku habsaanye
100 isagoo caways tumanayoo canab la dheelayso
101 hadduu cali barraha noo dudaa caawa kala gooyo
102 caday looma tuureene waa caafimaad hela,e
103 alla may cawaankaa dilaan canug ma ooyeene
104 xaabsade cunaa buu ahaa caal madooba ahe
105 ninna dunida ceebeey tacaal kagama ciideene
106 waxay tiisu caynkaa u tahay waa cir waynida,e
107 sidii geel cammuud loo horoo caynaba illaaway
108 calooshiyo muggiisaan ahayn caadi buuxsama,e
109 cimriga iyo noloshiisu waa cuuro keligaaye
11o waa cayn mar geeliyo marduuf calasho oo ruuge
111 intaasuu tolkii oo cammiran colugu keenaaye
112 iidoor collownaye hadduu caad nakala fuulay
113 cirroolaha gaboobiyo haddaan caydigu is dhaamin
114 oo calal madaw ay sitaan lagu calaameeyey
115 jeeroo indhaa kuru callaqan ciidda lagu eego
116 inay caano iyo nabad helaan waa cirka u tuure
117 nin kastoo cashiiriyo abtile lagu cisan waaye
118 iska daa cadaadiyo go,iyo ceeg inaan tago,e
119 cilaaqaadku waa naga xunyahay coodanlahan dhawe
120 rag dhulbahante ugu caansanaa yaa curcuro yaale
121 iyagaba cambaro waa dhashiyo caasha iyo boode
122 carfi iguma daayeen kuwii cayladaw xigaye
123 cabdi iyo ninkii saadle waa ii carbuun weliye
125 cumar igama haysteen haddaan lay carshacarshayne
126 intaan nabad u coogcoogayaa lay cadiigsadaye
127 ceeldhaabkan muuqdiyo raggaa caalinbadan yaalla
128 camalkayga way garanayaan ciil haddaan qabo,e
129 ceesaan xabbado maaha iyo cawl midgaan dilaye
130 nimankii cishaha duulijiray waa cartamayaane
131 wallee cagayareey taladu waa caliyo buur aade
132 ama waa cadaab aakhiriyo ceeb agtiinna ahe
133 caqligiyo aqoontiinnu waa cariyo nawdiiye
134 cudurdaarna waa haysataan ciidana irmaane
135 intaan xaalku caalwaaga noqon cidula soo shawra
[ abwaan suusle]

 

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn. 

Short URL: http://allssc.com/?p=41641

Posted by on Sep 22 2012. Filed under Khatumo2, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery