Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Abwaanka Weyn Ee Maxamed Aadan Geele”Curi”, Sidoo Kalena Ah Taliyaha Ciidamada Khaatumo State Ee Buuhoodle Ku Sugan, Oo Gabey”Doonta Nalaraaca” Tiriyey.(Dhageyso Gabeyga)

Buuhoodle(Allssc)Abwaanka weyn ee Maxamed Aadan Geele”Curi” ahna Taliyaha Ciidamada Khaatumo State ee magaalada Buuhoodle,Oo ku sugan hada magaalada Buuhoodle ayaa dhawaan soo saarey gabey cusub oo baryahanba lagu qaada dhigayay gudaha magaalada Buuhoodle.

Hadaba mar aanu caawa ku marti qaadney Abwaanka xafiiska Shabakada Allssc.com ee ee magaalada Buuhoodle, Ayaa waxanu wax ka weydiiney sababaha gabeygan uu utiriyey Abwaanku iyo Ajandaha uu ka lahaa gabaygan aanka baxay ee beryahanba bulshada reer Khaatumo dhageysanayeen, Gabeygan oo uu ugu magac darey”Doonta Nalaraaxa”

Hadaba Abwaanka ayaa noo sheegay in uu gabeygan uga dan lahaa micnaha koobaad in uu uga jawaab bixiyo Gabey gabey kan ka horeyay oo ay nagu maqaal ahayd in gabeygan Jawaab u yahay, Waa sida Abwaanku noo sheegaye.

Sidoo kale gabeygan Doonta Nala Raaca , Ayaa uu Abwaanku noo sheegay in ay jirto dhinacyo badan oo gabeygan ka hadlayo sida Maamulka Puntland iyo Faroole oo uu digniin siinaayo, fikirkiisana ku sheegay in Siyaasada Faroole iyo maamulkiisa Puntland inay ku kashifan yihiin gudaha umada Somaliyeed oo dhan.

Si kastba ha ahaatee gabeygan ayaa ah mid aanan micnihiisa halkan ku soo wada koobi karin, Balse wareysiga Abwaanka iyo Gabeyga oo dhameystiranba waan idiin soo gudbiney, Yadoo abwaanku sheegay in uu jiro gabey kale oo uu hada ku howl jiro dhameystirkiisa isla markaana soo gudbin doono.

Hadaba Waa Gabeygane” Doonta Nala Raaca” Hoos Ka Dhageyso Gabeygan Oo Dhameystiran.

Halkan Ka Dhagayso

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111
Buuhoodle G/Cayn.

 

Short URL: http://allssc.com/?p=41100

Posted by on Sep 15 2012. Filed under Fikradaha, Khatumo2, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery