Abwaanka Da’da Yar Ee Reer Khaatumo State, Yuusuf Xasan Ismaciil”Waraabe Dheere” Oo Gabey Cusub U Tiriyey Xiliga Kala Guurka Somalia”Bur Bur Iyo Rajo”.(Akhriso Gabeygan)
Buuhoodle(Allssc)Gabaygan waxaa la tiriyey 15/9/2012 waana mid ku soo beegmay xiliyada kala guurka Soomaalidu u
bixisay ee haatan wali lagu jiro qayb kamidana la soo qabtay haddaba gabayganu wuxuu ujeedadiisa
saxdaa ka hadlayaa dhibaatadii dadka Soomaaliyeed soo maray ee ka soo maray burbutkii dhammaan
dalka ku dhacay ee aan noocnaba hadday tahay dad,duunyo,diin,qofnimo, iyo wax kaleba sida maalka
wax kastaaba waxyeelo kasoo gaadhay xitaa dhaqankii suubanaa ee Soomaalidu ku dhaadan jirtay qayb
weyn lumiyey.
Markaa markay intaasi soo dhacday waxaa jirtay in 10/9/2012 ay caasimaddii dawrantay
laakiin dib u soo laabatay ay ka dhacday Doorasho xalaala dadka Soomaaliyeedna 90% ay ku qanceen.
Hadda gabaygani wuxuu sitoosa uga hadlayaa oo kale shirarkii Soomaalida loo qabtay ee ay ku guul
darraysteen qaybo kamida laakiin nasiib wanaag wax kastoo soo dhacay lagu ilaawi karo ta maant taalla
ee Madaxweynaha isbadalkana looga dabo fadhiyo mudane Xasan Shiikh Maxamuud haddaba gabygan
waxaa tiriyey Yuusuf Xasan Ismaaciil wuxuuna yidhi Sida Tan:-
Carro idil kolkii laysku nacay ceebtu boqol gaadhay
Caaskiyo markii ceelkasta caato lagu hoobtay
Cadrad gabadhu maantay cunnooy carrabka yeedhaysay
Ee cunuga hooyadu sabtaa caarad lagu boobay
Ee aan caddaan looga tuban cadho ilaah keeno.
Cabiidsiga wixii laysku baday ciilka lagu weermay
Cuqdaduhu waxay kala galeen callo kuwii yaallay
Cuquubada wixii duulkayagu cado isdheeraaday
Caqli fiican markii laga ordee calaga loo yaacay
Ceeryaanta wixii laysla galay caalim lagu dooxay .
Cantalyuhu wixii uu hilbaha cunidda uu haagay
Cidhibtiirshi mooyee wixii caal ladhigi waayey
Careeflayda wixii loogu kacay ciirsi iyo eero .
Canjaraafo mooyee wixii caymo iman weyday
Casar iyo wixii duhurka kulul cidi gabood weyday
Dadka caynba gaarkeed wixii dani ciriid taagtay
Cuskud yuurur mooyee wixii calaf lasoo waayey .
Coomaade meerii wuxuu caadhadh guranaayey
Cunsurtii qabiilsiga wixii caydha lagu soolmay
Cirro aan gedeed iman waxay dhalinta caaryeysay
Ceesh ladiido mooyee waxaan caano lagu heensan .
Cosobsiga adduunyadu waxay carriska diidaysay
Cag rograaba soomaalidii ciidan wada duushay
Nafle caynad kal doora lee waxay cawaan aaday
Saxaaraha cadaabtaa waxay carar ku koobaysay
Cobcobaynta wixii ay istidhi cudursinkaa doorleh.
Goortay cashiiradu arkeen ciriqan duugoobay
Carta iyo haddii coonankeed taladu ceeryoontay
Codadkay tiraabeen haddii ciso ka muunowday
Goortay caraabada galeen caajiskii lumi.
Celdoreed bagaatiyo markay caasha kale joogtay
Cajabtiyo markii lays lahaa caabuqaa tagiye
Cishaday bartii xamar tageen baabi,ii curay.
Caradhaban waxay taladu saban ciirtay noqotaaba
Cadku rooryey seediyo curqaha cawgo,noqotaaba
Cilcilaha waxay goof gashoo caynxun noqotaaba
Cafisdiid waxay noqota,oo caan ku noqotaaba
Hadba cawdu shaydaan wuxuu caabud seejiyaba
Wax cataaba mooyee haddii ciir la bixin waayey
Cududuna hadday cadayga solan caynkii noqotaaba
Cashotabiska mooyee hadday cuud ka socotaaba
Caynaanku gebigii wuxuu ciiro siigalaba
Cawo bari mutuulkiis miyaa caawadeer yimid .
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=41086












