Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Abwaan Yuusuf Suusle Iyo Tix Cusub Kala Soco Shabakada Allssc, Tixdan Oo Abwaanku Ugu Magac Daray”Kalaguur”.(Akhriso-Tixdan Gabay)

Buuhoodle(Allssc)Tixdani waa tix ku saabsan xiliga kala guurka ee xaalada dalka Somalia, Waxaana tixdan Soo alifey Abwaanka Weyne ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Khaatumo State Of Somalia Abwaan Yuusuf Maxamed Cabdillaahi Aar”Abwan Suusle” Tixdan Abwaanku waxa uu ririyey xiligii isbedel ee ay dhamaanba ay isbedeshay xaaladii siyaasadeed ee dalka Somalia, Yadoo Abwaanku tixdan ugu magacdaray”Kalaguur”.
Abwaankan Yuusuf Suusle ayaa ah mid isagu kasoo jeeda gobolada Sool,Sanaag Iyo Cay ee maamulka Khaatumo State gaar ahaan magaalda Buuhoodle, Abwaankan  ayaa ah hadii aan idiinka waramo Mid inta badan laga dhageysto gabayadiisa amaba laga xiiseeyo gudaha dalka Somalia gaar ahaan gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ba.
Hadaba Hoos Ka Akhriso Tixda gabeygan Abwaanku ugu magac darey”Kalaguur”.
1 gadhka alamsay geed loo waciyo guurti ma aqoone
2 inuu gogolaha waayeelka tago wuu ka gaabsadaye
3 gar adkaatay xaajada gurracan looma gaynjirine
4 gaddiisii xariir baa ka dhigan gelin wadaadoowe
5 adigana go.aankaaga waan gaadhay waa hore,e
6 garashada nin liitaa ahayd gawdhi weligeede
7 nin walaalki gawracay haddana gadaya wiilkiisa
8 oo aan wuxuu gaystay odhan gacalkayoow saamax
9 oo weli guclaa ugu jiraa ganacsi waa yaabe
10 waa duni gabaabsiya sidii gooleheen yidhiye
11 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
12 geeliyo fardaa ugu wacnaa guunyo xoola,ahe
13 labadaba dameer guuf sidiyo giiro laga raacye
14 gurgurshaagi awriyo la waa geenyo qoofalane
15 waa duni gabaabsiya siduu guullaheen yidhiye
16 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
17 gudgudaa hillaaciyo daruur gulungulcaynaysa
18 inkastoo gu,wayne u da,oo galiyo ceel buuxo
19 nimanbuu gobaysane u yahay gaadda wayn kale,e
20 waa duni gabaabsiya sidii guulaheen yidhiye
21 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
22 garboodkii la miidhiyo guddoon gobiyo misaan leh
23 guurtida la xulay maalintay talo gorfaynayso
24 garaadbaa la muransiinayaa gaarriyoo kale,e
25 waa duni gabaabsiya siduu guullaheen yidhiye
26 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
27 gabno dhicisay baa lala simaa godolka maandeeqe
28 gaawaha markii loo cushay dibu gujeeyaane
29 markaasay ka gaaggixinayaan gaydho maatada,e
30 waa duni gabaabsiya siduu guulleheen yidhiye
31 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
32 gobannimada waa loo dhintaye gaalo nama siine
33 goobiyo jahaad bay ku timi geeri dabadeede
34 ragna waa u gacan haadiyaan giibiyo ismiidhe
35 waa duni gabaabsiya siduu guullaheen yidhiye
36 gawskiyo qalbiga waa inaan gelinno tawxiide
37 afartaa gobaadoo dhashiyo gooha ololkeed dhe
38 maansada godkaan degijiriyo garangartaydii dhe
39 ragbaa hadalku meel aanu geyin kula gaddoomaaye
40 garbadaan ku miisaami jiray gaw ma kagasiiye?
41 gantaalkaygu waatuu ahaa gigiyo liishaane
42 haddaan shalay giraan dhiillo idhi waa i geliyeene
43 dal dhanoo la googgoynayaan gaylan ka ahaaye
44 balaan maanta geeddigan melmelan gurisankaw baaqo
45 inkastoo god dheeriyo dalluun nalaga gaylaanshay
46 inkastoo gumaad iyo diliyo gawrac nala saaray
47 inkastoo gurbood iyo carruur gabanna noo cayman
48 inkastoo la geesmaray xaqaa garab la siiyaaye
49 inkastoo gar eexiyo dulmigu gaadda ka ciyaaray
50 inkastay gambiyo weer sideen gaarida haweenk
51 inkastoo gabdhaayaga baror giidu ka idlaatay
52 inkastooy galooleey ilmada gobo,le hayn wayday
53 inkastoo geyaan xumo darteed gocor jujuubaayey
55 gargaaraha ilaah baa yaqaan geesi daacadahe
56 galab iyo aroorbaa nabsugu goorba cayn yahaye
57 gaban wiil ahaabaa cirradu galayaxawdaaye
58 gadhmadoobe shalay buu ahaa guud caddaa odaye
59 gabaahiirta oommani marbay geedo noqotaaye
60 gaggabsaawirkii laga baxiyo gees walbaw carare
61 gunta xaajadii laga unkaa gaadhay meel wacane
62 gabayooxi waa laga kaciyo gaydh la yuururo,e
63 go,aankiyo ujeedaduna waa guuliyo israace
64 gudin daabki laga saaray bay geed la dhacayaane
65 ninkii gooni weli doonayoow guur adoo nabada
[ abwaan suusle].
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=42326

Posted by on Sep 29 2012. Filed under Khatumo2, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Abwaan Yuusuf Suusle Iyo Tix Cusub Kala Soco Shabakada Allssc, Tixdan Oo Abwaanku Ugu Magac Daray”Kalaguur”.(Akhriso-Tixdan Gabay)”

  1. maan sha allaah abwaan aad baan kuugu mahadcelinayaa agkaaga cano laguqabay

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery