Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Abwaan Curi Aadan Geele Oo Tiriyey Gabay Cusub Oo Uu Ugu Magac Darey”Booli Qaran”.(Dhageyso Gabaygan)

Buuhoodle(Allssc)Gabaygan ayaa ah mid uu Abwaanku kaga hadlayo hanti qaran oo markaasi uu sheegayo Abwaanku in la lunsadey, Yadoo Abwaanku ku eedeynayo hantidan iney lunsadeen Masuuliyiin ka mid ah Dowladii hore KMG Somalia.

Abwaanka gabaygiisan uu ugu magac darey”Booli Qaran” ayaa ah mid dhanka kale taabanaya dhinacyo badan, Yadoo uu sidoo kale Abwaanku tixdiisan ku sheegay in aaney jirin maamulo yagu dhinac uga baydhi kara midnimada Somalia, Amaba gaadhay in ay isku filnaadaan ay ka maarmaan Midnimada Somalia.

Wareysiga aanu la yeelaney Abwaanka waqti uu ku sugnaa Xafiiska shabakada Allssc ee magaalada Buuhoodle, Isla markaana aanu ka wareysanay Gabaygiisan”Booli Qaran” Ayaa waxa uu noo sheegay Abwaan Curi xaalada ku kaliftey gabaygan, Yadoo uu sheegay inay kaliftey xiligan kala guur siyaasadeed ka socota gudaha dalka Somalia.

Abwaan Curi ayaa sidoo kale noo sheegay in uu gabeygan ku hal qabsadey, Masuul sare Maxamed Saleebaan Xaaji Dayib”Ordaaga”.

Hadaba Wareysigan aanu la yeelanay Abwaankan ku magac dheer ”Curi Aadan Geele” ayaanu idiinku soo gudbinaynaa gabaygiisan cusub oo markaasi tiriyey Abwaanku dhawaanahan Isla markaasna Gabayga beryahan danbe haysta dhageysigiisu gudaha magaalada Buuhoodle.

Halkan Hoose Ka Dhagayso

Halkan Ka Dhagayso

Mobile Kaaga Ka Dhagayso

(Mobile Kaga Ku dhagayso)

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil”Kalshaale”
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=42104

Posted by on Sep 27 2012. Filed under Khatumo2, Wararka, Waraysi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Abwaan Curi Aadan Geele Oo Tiriyey Gabay Cusub Oo Uu Ugu Magac Darey”Booli Qaran”.(Dhageyso Gabaygan)”

  1. woooooooooooooooooooooooow waxas baa abwaan ah adaan geele gulayso adeer wale waa libaax ninkan nin qosla mahaa

Qormadaada

Photo Gallery