Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Xulida Baarlamaanka Cusub ee Somaliya oo Axada Soo Socota ku Eg.

 

Muqdisho(Allssc) Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ka kooban wakiilada lixda saxiixayaasha iyo saddex wakiil oo ka socota Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda shaaciyaan in la joojinayo qabashada liiska baarlamanka cusub wixii ka dambeeya maalinta Axadda oo ku beegan 5/08/2012.

Xog ay heshay Shabakada Caalimaga ah ee Allssc.com ayaa muujineysa in guddiga ay shaacin rabaan in wixii ka dambeeya maalinta Axadda 5/08/2012 aysan jiri doonin wax liis ah oo laga qabanayo beelaha haddii aysan mudada ka horeysa ku soo dhameystirin liisaska dadka uga qeybgalaya baarlamaanka cusub, kuwaasoo dooran doona gudoomiye baarlamaan iyo madaxweyne 20-ka bishan Agoosto oo hadda dhowr iyo toban cisho naga xigaan.

Illaa hadda in ku dhow 280 mudane ayaa la helay magacyadooda kuwaasoo beelahooda ay soo gudbiyeen waxaana ku jira boosas laga iibsaday odayaasha dhaqanka oo siyaasiyiinta qaar ay hadda codadkooda ku xisaabtamayaan. Tirada guud ee baarlamaanka ayaa ah 275 oo 30% haween yihiin (waa haddii la siiyo).

Arintan ay qorsheynayaan guddiga xulista baarlamaanka ayaa u muuqata in looga gol leeyahay in lagu dedejiyo beelaha weli aan keensan xildhibinaanadooda si waqtiga loogu ciriiriyo maadaama waqtigii doorashada ay aad u soo dhowaatay.

Dhanka kale waxaa meeshii ugu sareysay maraya kala iibsiga kuraasta, waxayna xog ay warbaahintu maanta faafisay cadeyneysaa in halkii kursi ee baarlamaanka lagu kala iibsanayo lacag u dhexeysa $15,000 doolar illaa $20,000 doolar oo la siinayo odayaasha soo magacaabaya xildhibaano beeleedka loo ururinayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo ka koobnaan doona 275 mudane.

Iibsiga baarlamaanka iyo kaalinta ay siyaasiyiinta musharixiinta ah ku leeyihiin ayaa waxaa hadda ka walaacsan wakiilada beesha caalamka, waxaana digniin arintan ka soo jeediyey wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga oo si gaar ah farta ugu goday madaxda DKMG ah ee musharixiinta ah.

Wixii warar ku soo kordha xulida baarlamanka ha ka fogaan allssc.com

Maxamed Wali

Allssc Muqdisho

Allssc@allssc.com

Info@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=36471

Posted by on Aug 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery