Xubnaha Barlamanka Ay Hortaagnayen Gudiga Farsamada Oo Lagu Wado In Bari Lagu Daro Barlamanka (Akhriso Magacyada Iyo Beelahoda).
Muqdisho(Allsc): Maxkamada Sare ee Dalka ayaa Go’aan cad ka qaadatay Diid madii Gudiga Farsamada kuwaas oo diiday inay hor tagaan Maxkamada Sare iyadoo laga sugayay inay cadeeyaan sababaha ay u diideen Masuuliyiintan Beelahood au doorteen inay ka midnoqdaan Barlamanka Cusub.
Hadaba warar iminka kusoo dhacay xafiiska wararka ee Allssc ayaa sheegaaya in la isla gartay in 13-kii xubnood ee Baarlamaanka loo diidanaa loo fasaxo kamid noqoshada Baarlamaanka.
Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaaya in maxkamadda sare ay berri gelinka hore ku waaqi doonto in xubnahaasi ay kamid yihiin
Baarlamaanka Soomaaliya, isla wararkaasi ayaas sheegaaya xubnaha lagu dhaarin doono maxkamadda isla berrina ay ka qayb gali doonaan kulamada Baarlamaanka ee lagu dooranaayo guddoonka Baarlamaanka cusub.
Xogtaan oo ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaysa in guddiga farsamada iyo xubnaha saxiixeyaasha Road-Mapka ay isla garteen in arrinta la dhameeyo isla markaana ay maxkamaddu berri ku dhawaaqdo do’aanka ugu dambeeya.
Magacyada xubnaha
Beesha Hawiye
1-Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish”
2- Maxamed Qanyare Afrax
3-Bootaan Ciise Caalin
4-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
5-Cumar Furdug
6-Xirsi Aadan Rooble
7-Maxamed Faarax Jimcaale
Beesha Digil iyo Mirifle
8-Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”
9-Maxamed Ibraahin Xaabsade
10-Maxamed Xuseen Afaraale
Beesha Dir
11-Janaraal Axmed Warsame
12-Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf
13-Prof C/Raxmaan Xaaji Aadan “Ibbi”
Sikastaba arrintaan ayaa haddii ay hirgasho waxay meesha ka saaraysa khilaaf ka taagnaa xubnaha loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka iyo saamayn laga cabsi qabay in ay ku yeeshaan dadaalada looga baxaayo xilliga KMG ah.
Allssc News Desk
allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=39146












