Waraabayaashii Siilaanyo Oo Soo Weerarey Shacabka Magaalada Buuhoodle Iyo Xaalka Shacabka Oo Maraya Waraabahani Anagaa Is Xigna!! Qaraabanu Nahay Daaya Daaya.! Meeday Kartidii Lagu Yaqaaney Shacabka Reer Buuhoodle?.(Maqaal+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Sida aynu ka wada war hayno, waxaa jira halgan balaadhan oo ay soo mareen shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle, Dagaaladii iyo Colaadii dheerayd ee soo socotey mudo aad u dheer.
Dagaaladaas oo ku saleysnaa dib isu xorey ay hor kacayeen shacabka reer Buuhoodle, Yadoo markaasi ay ahaayeen dadka reer Buuhoodle ku aan ku dhimaneyn deegaanada laga haysto oo kaliya balse ku dagaalamayay meelkasta oo laga haysto gobolada Sool,Sanag iyo Cayn.
Hadii aan xuso deegaanadii ugu caansanaa dhamaan dalka Somalia oo dhan 2dii sano ee lasoo dhaafey isla markaana ay Saxaafadu aad u qaada dhigi jirtey Waxaa ka mid ahaa” Kalshaale,Hagoogane,Meygaagle,Sooljoogto,Wandhalaalax,Kaartada,Qoryooley iyo Shangale,Gobladoox, Dhamaan goobahan oo dhani waxay ahaayeen goobihii dagaalka ba’an iyo dib u xoreynta ay ka wadeen shacabka reer Buuhoodle.
Shacabka reer Buuhoodle waxaa horey loogu yaqaaney haba isu darnaadaane dad danta guudi ka dhaxeyso, Isla markaana sharafka iyo Midnimada dhamaan gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ba ku dhinta, isla markaana fikirka ay ka qabaan maamulada hareeraha ka xiga hada deegaanada Khaatumo State u yaqaaney kuwo doonaya inay sibiq kusoo galaan dareenkooduna ka feejigsanaa hal aragti oo mideysan ka aaminsanaa.
Maxaa Is Bedel Ah Oo Hada Ku Yimid Reer Buuhoodle???
Hadaba waxaad moodaa in hada ay ka muuqato isbedel weyn sidii lagu yaqaaney shacabka reer Buuhoodle,Sababta oo ay tahay waxaad ku arkaysaa gudaha magaalada Buuhoodle is bedel aad u balaadhan iyo Kartidii shacabka reer Buuhoodle oo sii gaabsaneysa xumaan iyo samaan midna aan ka jaabeyn.
Waa Maxay Waraabayaasha Soo Weerarey Shacabka Reer Buuhoodle???
Waxaa shacabka reer Buuhoodle soo weerarey waraabayaal aad u fara badan isla markaana ka dhibaato badan ciidamadii Somaliland ee ay shacabka reer Buuhoodle kula dagaalami jireen deegaanada aynu kor ku xusney.
Waraabayaashan oo kala ah:- Dr.Saleebaan Ciise Axmed Kaar”Xaglotoosiye’,' Maxamed Maxamuud Axmed Maxamed”Xariir Gadhweeyne” Iyo Cismaan Yuusuf Maxamed ”Galinwadaad”.
Waraabayaashani waxay yihiin kuwo si toosa xidhiidh ulala leh maamulka Somaliland, Isla markaana aan ka gaabsan xidhiidhka ay la leeyihiin oo cadeystey, Yadoo qaarkood ay ka hayaanba xil maamulka Somaliland sida; Xariir gadhweyne ninka la yiraahdo oo sheegtey in uu yahay Badasaab kasoo jeeda Hargeisa sheegayna in uu xilka usoo dhiibtey Siilanyo iyo Galinwadaad ninka ku magac dheer oo sheegay isna in uu yahay Maayir laga soo doortey magaalada Hargeisa.
Hadaba Maxaa Lagu Yaqaaney Shacabka Reer Buuhoodle Oo Ay Caan Ku Ahaayeen??
Shacabka reer Buuhoodle amaba dadkan ku dhaqan gudaha magaaladaasi waxaa lagu yaqaaney in badana xogteeda la ogaa in ay ahaayeen;- Dad xumaantana ka dhiidhiya Samantana aan ka gaabsan soo dhaweeynteeda.
Waxay reer Buuhoodle ahaayeen dadka horseeda Ficilka Iyo Dhimashadaba marka loo eego gobolada kale ee Sool iyo Sanaag ee ka midka ah deegaanada maamulka Khaatumo State Of Somalia.
Waxay reer Buuhoodle ahaayeen dad aan u dul qaadan waxyaabaha hada ka dhacaya gudaha magaalada Buuhoodle oo hada uba muuqata inay tahay halaqmareen.
In mudo ah oo gaadha 3sano waxay reer Buuhoodle la dagaalami jireen si mideysan ruux kasta oo kasoo jeeda maamulka Somaliland amaba lug ku leh siyaasada taala magaalada Hargeisa, Sababta keentay dareenkaasna waxay ahayd marka ay arkeen sida loo khiyaameeyay shacabkii reer Laascaanood oo laba maamul ugu kala wareegeen.
Waxaa runa in ay shacabka reer Buuhoodle ku caan ahaayeen amaba lagu yaqaaney halgan dheer oo ah dib isu xorey ka dhalata gobolada Sool,Sanaag iyo Cayb ba, Waxay ahaayeen dad naf iyo maalba u quudhi jirey sharafka midnimada iyo xoreynta gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Maxaa Hada Lagu Arkaa Gudaha Buuhoodle Oo Isbedel Ah??
Waxaa jirta in waxyaabo fara badan oo aaney caado u lahaan jirin shacabka reer Buuhoodle lagu arko hada gudaha magaalada Buuhoodle, Waxaana ka mid soo dhaweynta Waraabayaashan aan kor ku xusey oo ka dhacdey gudaha magaalada Buuhoodle, Yadoo aan horey loogu aqoon reer Buuhoodle tan oo kale, waxay ahaan jireen dad ka ficil qaata dareenka ama waxa jira markasta oo ah Hoosaasin ay wataan Siyaasiyiinta reer Hargeisa.
Maxaa Loo Baahan Yahay In Tan Lagu Badalo??
Shacabka reer Buuhoodle waxay ahaan jiren dad aan waxba loo sheegin, Ficilkana aan la farin,Xumaantana iska fogeeya amaba sharaf dhaca,Qadiyada midnimada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn na ku dheertahay oo hormuud ka ah.
Waxaa loo baahan yahay in ay sidoodii hore isku duubnaadaan dal iyo dibadba, Meel uga soo jeestaan kuwa sharafkooda iibsanaya, Hormuud u ahaadaan markastaba midnimada gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayb, inay sarey u qaadaan horumarka maamulkooda Khaatumo State Of Somalia, Cida xun ee horu markooda kasoo horjeeda aysan qaadan fikirkooda, nin shacabka iyo horumarka iyo sharafka deegaankaaga u daran aysan u daneyn qabyaalad awgeed iyo qaraabonimo awgeed, Inay talaabo cad ka qaadaan shisheeye kalkaalka iibsanaya deegaanadooda.
Wabilaahi Towfiiq”Rashiid Kayse Cawil”
W/Q:Suxufi, Rashiid Kayse Cawil”Khaatumaawi”
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111
Office Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=39470












