WAR-SAXAAFADEED CAMBAAREEYN AH.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa).
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada,Midnimada iyo cadaalada
anagoo si weyn uga mureegeeysan falka foosha xun,tacadiga
xaq darro iyo dilka iyo dhaawaca hab naxariis darro loogu
geeystay muwaadiniinta somaaliyeed(rayidka)soo dhoweeynta
hab maamuska iyo hanaan nabadeedka ah ku sharfaayeey:-
Halyeey-Dr-Max’d C/Laahi(Farmaajo)Ra’iisal Wasaarihii ugu
kartida,daacadnimada iyo wadaniyada wanaagsanaa mudadii
dalka hooyo bur-burka ku jireey,soona nooleeyeey damiirka
iyo dareenka dadweynaha somaaliyeed aqlabiyadooda waxaanu
halkan cambaareeyn culeeyskeeda uga soo jeedineeynaa kuwii
Dhaqdhaqaaqa Somaliyeed-waxaanu masuuliyada dhibkaasa dhacay
Wasaarada Arr.Gudaha,Taliska Ciidanka Boliiska,Ciidanka Nabad-
Sugida,Taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Amison intuba
kaalintoodii amni sugida dayacay,weliba qaarkood masuuliyadda
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed-waxaa ayaan daradeeda leh in Magaalada
Muqdisho dilalkii iyo falalkii foosha xumaa dib ugu soo noqdeen
Beryahan damme,iyadoo la rajeeynaayeey nabadgelyo iyo xasilooni
ka saarida kooxihii nabad-diidka kadib,waana dayac hey’adaha
amaanka iyo xil gudasho xumo xukuumadda ka jirta,loona baahan
yahay in sida ku haboon loo sugo amaanka guud ee caasimadda oo
hada ka socdaan xulida Xildhibaanada Barlamaanka cusub,dorashda
Madaxweynenimadu ka dhici doonto maalmo guhadod(hadii Raxmaanku
Idmo).
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed-waxaanu ku baaqeeynaa in si deg-deg ah
baaritaan rasmi ah logu sameeyeey tacadiga Dadweynaha taagerada
u muujinayeey soona dhoweynaayeey-Halyeey-Murushax farmajo lana
horkeeno cadaalada,weliba la raadiyo raadka falkaas ka dameeyeey.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaa ayaan daradeeda leh habka wada
Shaqeyn la’aaneed oo soo shaac baxaeeys una dhexeeysa(Madaxdda
Sare Dowladda-Siiba Madaxweyna iyo Ra’iisal Wasaaraha)waana ar.
dhaawac weyn leh weliba iyadoo lagu jiro waqti xasaasi ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-waxaa wax si weyn looga xumaado sida
hab saxaafadeedka iyo hanaanka warbaahinta ka baxsan oo wababka
Internetka sawirka xun oo aragti qabyaaladeedka,nacaeeyba,fidno
abuurida,dad kala fogeeynta iyo waxyaabaha fool xumadooda leh
loogu sawiraayo falkaas dhacay laga hor degaayo xaqiiqada iyo
run ka hadalka(waana arrimo ka baxsan xurmada saxaafada,habka
warbaahinta wanaagsan iyo masuuliyada weyn oo saaranba).
Gunaanadka waxaanu halkan tacsi uga direeynaa dadka halkaas ku
geeriyoodeey anagoo Allah uga tuugeeyna Janadda,Dhaawacna inuu
Raxmaanka shaafiyo-aamiin.
-Xafiiska Afhayeenka Guud:-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaalada.
-Aug-10-2012.
Short URL: http://allssc.com/?p=37142















