Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

War Culus Maxkamadda Sare oo ku Dhegan Guddoonka Baarlamaanka

Muqdisho ( AllSSC-News ):- Kadib markii mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ay maalintii shalay ku murmeen afar kamid ah xubnahii maxkamaddu Baarlamaanka kusoo dartay kuwaasi oo horay loo buuxiyey boosadkoodii ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay isla markaana sharci darro ku tilmaamay guddoonka Baarlamaanka Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay sharci darro ku joogaan Guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Muranka soo kala dhexgalay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka iyo maxkamadda sare ayaa yimi kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Proff. Jawaari uu shalay dib usoo celiyey afar kamid ahaa dadkii ay maxkamaddu kusoo dartay Baarlamaanka ee horay loogu diiday.

Kulankii Baarlamaanka ayaa shalay buuq kusoo dhamaaday kadib markii la isku qabsaday afar xubnood oo boosaskooda horay loo buuxiyey kuwaasi oo Guddoomiyaha cusub uu sheegay in xubin banaanka joogta aan Baarlamaanka looga saari karin Xildhibaan la dhaariyey kana qayb galay doorashada guddoonka Baarlamaanka.

Waxaa kale oo la isku haystaa markii habeenkii Talaadada lasoo gaba gabeeyey doorashadda guddoonka Baarlamaanka oo ahayd wakhti dambe isla markaana uusan hoolka joogin Caydiidka Ilka Xanaf ayaa waxaa saddexda masuul ee la doortay dhaariyey Xildhibaan Shaacir oo Baarlamaanka kamid ah taasina Guddoomiyaha maxkamadda sharci darro ayuu ku tilmaamay.

Dad badan ayaa aaminsan in Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf Guddoomiyaha maxkamadda sare uu fiirinaayo amarka Madaxweyne Shariif iyo go’aan maxkamadda ee aysan u muuqan Baarlamaanka iyo qaabka wanaagsan ee ay u doorteen guddoonka cusub.

Sikastaba khilaafka cusub iyo muranka ka dhex aloosan maxkamadda sare iyo Baarlamaanka ayaa waxaa sal u ah xubnahii u badnaa qab qablayaasha dagaalka ee ay maxkamadda sare kusoo dartay Baarlamaanka oo afar kamid ah ilaa iyo hadda loo la’yahay boos Baarlamaanka laga geliyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Short URL: http://allssc.com/?p=39481

Posted by on Aug 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery