Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faro-cadde Iyo Beesha Cabdalla Siti Oo Eedayn Iyo Canbaarayn Dusha Uga Turay Gudiga Farsamada

Muqdisho(Allssc):  Kaddib kullan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo Aqoonyahannada Beesha Cabdalla Siti ayaa waxa ay ku eedeeyeen guddiga Farsamada soo xulista Xildhibaanada barlamanka in uu ku xad gudbay mid ka mid ah Xubnaha Beeshaasi ay ku leeyihiin barlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga dhaqanka Beesha Cabadalla Siti, Cali Max’ed Faarax oo kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in guddiga farsamada uu ku xad gudbay xaqii Ugaaska Beesha uu u lahaa in uu soo xulo Xubinta beeshaasi ay ku leedahay barlamanka cusub ee Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Maxkamadda sare ee dalka iyo Beesha Caalamka inay wax ka qabtaan arrintaasi.

Cadar Cali oo ka mid aheyd guddiga anisxinta Dastuurka, kana hadashay kullanka ayaa waxa ay tilmaamtay in Beesha Cabdalla Siti ay ku dulman tahay in la hareer maro Ugaaska Beesha, iyadoo sheegtay in Xubinta Xildhibaanimo ee Beeshooda ay u doorteen Cabdulqaadir Max’ed Max’ud (Caano-buure) islamarkaana ay u gudbiyeen Ugaaska guud ee Beesha.

Ugu dambeyn Ugaaska Beesha Cabdalla Siti, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faro-cadde oo gaba gabadii kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn halka Maryan Cariif Qaasin ay kasoo gashay Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in guddiga farsamada uu fududeeyay arrintaasi. Kamana hareyno ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=38702

Posted by on Aug 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery