Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

WAA KUMA HORGALE SAXAAFADEEDKA CUSUB EE BUUHOODLE KA SOO BAXAY??

Buuhoodle(Allssc)Codsi ka socda dhamaan cuqaasha,waxgaradka,isimada,Bahda Saxaafada Iyo Bulashada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolada iyo deegaanada gudaha maamulka Khaatumo State, gaar ahaan Gobolka Cayn.

Waxay cabashadu tahay Tvga Universal oo wali wada dhaqan xumadii uu uga dhex shaqeysan jirey gudaha gobolada maamulka Khaatumo State.

Waxaa horey u jirtey in tv gani sii daayey waxyaabo fara badan oo raali laga wada ahayn, Isla markaana dadka reer Khaatumo oo dhani ka wada xumaadeen, Hadaba taasi kadib waxaa dhacdey in dadka u dhashay maamulka Khaatumo State iyo Tvga Universal dood balaadhani dhexmartey.
Hadaba doodii dhexmartey jaaliyada reer Khaatumo State iyo UniversalTv ayaa waxay ahayd in markaasi uu Tvgu raaligalin weyn ka bixinayo waxyaabihii uu u geestey umada reer Khaatumo State, Islamarkaana uu ka caydhin doono shaqada kuwii sida khaldan warka ugu soo direy Tvga.

Sikastoo ay tahay Tvga ayaa hada wali ku dhexjira arintii uu horey uga balan qaadey jaaliyada reer Khaatumo State wadana wali wadiisii ahayd in uu malinba maalinta ka danbeysa uu shaqo galiyo Horgale Saxaafadeed oo SNM iyo SSDF la shaqeeya.

Waxanu halkan ka sheegeynaa in Tvga Universal naga joojiyo inamada yar yar ee uu shaqada siinayo warkana ka qabanayo Isla markaana aan Mabda’a midnimada gobolada SSC iyo Sharafka maamulka Khaatumo State ba aaminsanayn lana shaqeeya SSDF Iyo SNM.

Waxanu u sheegaynaa maamulka Tvga universal in uusan warka ka qaban cid aanan raali ka ahayn oo wadankayaga basaas ku ah, Hadii uu shaqaale u baahan yahay ha la soo xidhiidho madaxda kala duwan ee maamulka Khaatumo State yaga ayaa u keeni shaqaale markaasi dadka rabitaankooda soo gudbiya, Anagu raali kama nihin in uu horgale saxaafadeed ka abuuro gudaha magaalada Buuhoodle.

Hadaba codsigan ayaa ah mid ay shabakada Allssc.com u soo gudbiyeen dhamaan madaxda gobolka cayn iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, oo markaasi ka cabanayay shikhsiyaadka la shaqeeya warbaahinaha ee ka shaqeysanaya gudaha deegaanada maamulka khaatumo state oo aan markaasi aaminsanayn wadanka ay ku nool yihiin iyo maamulka Khaatumo State.

Sikastaba ha ahaatee waxaa dhaleecayn weyn looga soo jeedinayaa gudaha magaalada Buuhoodle Tvga Universal, Yadoo ay horena dadka reer Buuhoodle iyo Umada reer Khaatumo ba cabashooyin fara badan ka soo gudbiyeen Tvgan Kadib markii maalin dhaweydna uu soo daayey filim been ah oo kadhigayo In Horgale laga soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle walina ku socdo dariiqii ahaa in shaqo galiyo Tvgani maalin walba Horgale Saxaafadeed Oo aanay markaasi bulshadu ka raali ahayn.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=36285

Posted by on Aug 1 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “WAA KUMA HORGALE SAXAAFADEEDKA CUSUB EE BUUHOODLE KA SOO BAXAY??”

  1. maxamuud

    maxay qol ugu xidhi waayeen weriye kusheega dadkiisa beenta ka faafinaya ee lashaqeeya snm iyo ssdf hadaynaan inagu iska qaban yaa inaga qabanaya

  2. nin an shantu ka rebin sharci kama rebo marka waa in talabo laga qada shanshiga xun

  3. Anigu lamayabani tv ga o hawshan canbukunoqday lugoyada reer khatumo lakin looyarada reer khatumo oo waliba kunool halka tv gani xaruntaku leyahay maxay udacwaynwayeen? Sida uu iishegay nin sharciyaqana hadilahelo 100 qof owadanka intiriiska dagan okacabanaya tv ga talabalagaqadaya ama mufaharad lagasameyo fadlan reer khatumafa fagan london hawsha haysu xilqamen

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery