Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Suldaan Muuse Jilicow Oo Cadeeyey In 20 Bishan Aysan Suuroobayn Dorasha Ka Dhacda Dalka

Muqdisho(Allssc): Suldaan Muuse Jilicoow oo ka mid ah wax garadka ku howlan soo xulitaanka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in aanay macquul ahayn in wax walba lagu soo gaba gabeeyo 20-ka bishaan isaga oo sheegay in waqtigaas xitaa laga yaabo in baarlamaanka aan ku dhismin.

Suldaanka ayaa intaasi raaciyay in beesha caalamka ay iska go’aansadeen 20-ka August in wax walbo lagu soo gaba gabeeyo, laakiinse xilligaasi ay ka harsan tahay 9 maalin isagoona sheegay waqti haray in aysan macquul ahayn in lagu soo dhiso baarlamaan, islamarkaana ay ku doortaan gudoomiye baarlamaan ka dibna ay dhacdo doorashada madaxweynaha.

“In 20-ka August wax ku soo gaba gaboobaan iska daayee 30-keeda xitaa wax ma hagaagayaan, waayo 9 maalin ayaa noo hartay, xilligaasi in baarlamaan lagu sameeyo ka dib la doorto gudoomiye ka dibna madaxweyne waligeedba lama sheegin, or orodkaan beesha caalmka ayaa iska wadato, mida kale waxaanba filaa in baarlamaanka xitaa aan 20-ka August lagu keeni doonin” Suldaan Muuse ayaa sidaa yiri.

Dhanka kale Suldaanka ayaa sheegay in maalmahaan dambe ay aad usoo badatay dacwadaha ku aadan beelaha Soomaaliyeed ee sheegaaya in la duudsiiyay xaqii ay ku lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana gudiga xalinta habeen iyo maalin uu ku jiro sidii wax uu ku xalin lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, 20-ka bishaan ayaa loo cilaamiyay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, hase ahaatee sida haatanba muuqata arintaasi waxaa ka taagan wareer aad u badan, iyadoona weli aan lasoo dhisin barlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Maxamed Wali Muqdisho

Allssc Office Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=37232

Posted by on Aug 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery