Sahra Diiriye Gamadiid Gudoomiyaha Ururka Dugsi Oo Hanbalyo Diiri Galina U Dirtay Umuda Soomaaliyeed Gaar ahaana Umudda Reer Khaatumo
Salamu Aleykum dhamaan umada Somaliyed gaar ahaan umada reer Khaatumo waxaan idinku salaameynaa salaanta islaamka waxanna idin leenahay dhamaantiin ciid wanaagsan ku ciida ta kalena caafimaad iyo nabad iyo barwaaqo ku gaadha iyo dalkeena Somalia oo hagaaga oon dib u wada aadno insha allah. Anagoo ah habla Khaatumo ee ururka Dugsi ee ka dhisan wadanka Holland ee gudoomiyaha u tahay Sahra Diiriye Gamaadiid,waxaan hambalyo iyo bogaadin u direyna Madaxdayada,Garaadadayada,Suldaanayada,Masuuliyiintayada,Waxgaradka yaga,Mutacalimiintayada,Halgamayaasha,Wasiiradayada iyo Dhalinyarada halgameysa, anigoo ku hadlaya magaca uruurka Dugsi magaca xisbiga TAYO waxaanu idin leenahay dhamaantiin hambalyo hambalyo habeen iyo dharaar halganka aad ugu jirtaan dhamaan umadda Somaliyeed meelkasta oo aad joogtaanba khaasatan halganka aad ugu jirtaan umadda reer Khaatumo dal iyo dibadba. Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsannahay hawlaha aad ka wadaan meelkasta waana wax mudan dhiiri gelin iyo isku duubnaan aad u horseedaysaan umada Somaliyed. Dhamaan waxaanu hambalyo gaar ah u direynaa cuqaasha iyo aqoonyahannada jooga magaalada madaxda Somalia ee Muqdisho hawsha sharafta leh ee ay hayaan waxaanu idin leennahay ilahay ha idinla garab qabto annaguna waanu idin garab taagannahay. Waxaanu kaloo salaan aad u qiimo badan u direyna madaxweynahayag Khaatumo state of Somalia mudane Maxamed Yusuf Jamac (Indhosheel) hawl qaran ayaad heysaaye ilahay ha kuu fududeeyo anaguna hiil iyo hooba waa kula garab joognaa. Dhamaan waxaanu leenahay umada reer khaatumo inay u istaagan horumarka iyo ka shaqaynta nabada dalka insha allah. Guuleysta gobanimo ku faana goobtaad is taagtaanba goolka dhaliya,geesi iyo waxgarad garaad aan gabanayn guule idinka dhigay ee gogoshiinu guul.
sahra diiriye gamadiid gudoomiyaha uruurka dugsi ahna afhayeenka xisbiga Tayo
mukhtaar muuse
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37813













sahray ha daalin ha dedaal xumaanin ruux daacad ah baad tahey dahab iyoxariireey rabigey ku daadahee asalkaa wuxuu galaa khaalid ooaan habsaan laheyn hidihiisu wacan yahey hawda iyo heegaaleb iidoorkii rag hoojiyey baad tahey