Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Saado Cali Oo Xubintii Baarlamaanka Beesha Barkad Faroole Shashafo U Siiyey Iyadoo Boogihii Garoowe Kasoo Gaadhay Lagu Dhayayo, St. Cloud MN, USA

Allssc: Waxaa maanta kasoo yeedhay gudi kusheega farsamada u shaqeeya kooxda Faroole iyo Gaas, warar lagu sheegayo in lagu bixiyey qaar ka mid ah xubnihii baarlamaanka beesha dhulbahante oo lasiiyey dhuuniqaatayaal hoos jiifa Faroole. Waxaase intaa ugu darayd markii xubintii beesha Barkad lagu magacaabay fanaanada aan xuduuda lahayn ee Saado Cali Warsame oo hada shaadir rabaani ah ku xidhatay magaalada St. Clould, MN si ay ugu qariso dhaawacyadii kasoo gaadhay Garoowe. Faroole oo hurinaya iska hor keen beelaha dhulbahante isagoo adeegsanaya wax magarato ayaynu eegnaa waxay ka yeesho fanaaanda aan xadka lahayni. Beesha khaatumo iyo warbaahinta SSC ayay ku adagtahay inay Saado Cali waxbadan ka yiraahdaan, maadaama ay waxbadan horay u qabatey. Waxaadse moodaa in dulqaadka shacabaka Khaatumo soo yaraanayo. Waxaanuna wax ku qaadan doonaa waxay Saado kayeesho fidnadan bilaabatey horeyna ay wax uga aragtey lagagana aamusay.

Saado oo ka dhalatey beel ka mida beelaha ugu magac iyo maamuuska dheer beelaha dhulbahante una qalanta inay magaca Khaatumo ku hesho xubin Baarlamaan, ayaa Faroole rabaa inuu magaceeda shaqsiga ah u isticmaalo si beesha dhulbahante madaxa isula gasho cuqdadna loogu kala abruuro. Waayo habka Faroole wax ugu dhacayo Saado Cali waa hab aad u khilaafsan habka beesha Khaatumo wax u qaybsato oo uu si fiican u yaqaan Faroole(Fidnoole).

SNM baa dadkayga laysay oo dhacday bay ku haysaye, ma hadaan anigu intaan dhici karo dhacayaa oo Faroole la hoos gelyaa bay bilawday. Horaa loo yidhi “Bal aynu eegno uuraysataye waxay umuli doonto” mashaqadandan lagu magac iyo maamuus dilayao Saado Cali. Saado go’aanka ay ka qaadato dhagrtan beesha Khaatumo la dhexdhigayo waa mid aan hadhi doonin. Saado maanta baahi u gaynaysa ma ogin, magac inteedaa ku filan, waxay u aado Muqdisho oo tolkeed cadkooda cadow ugu hiilisana waa wax waqtigu qori doono mudo dhow. Gabadhii tirisay gabaygii lagaga difaacayey “Hinda SNM” wixii wanaag ahaa ee ay Saado Cali kasheegtay way ka ilmayn doontaa ama way ku farxi doontaa.

Fadlan taladiina halkan ugu soo gudbiya Saado Cali, idinka oo aan u gefayn Sans Frontiere Fanaana intaan fidnada Faroole(Fitnoole) jiidan.

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=38266

Posted by on Aug 21 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

46 Comments for “Saado Cali Oo Xubintii Baarlamaanka Beesha Barkad Faroole Shashafo U Siiyey Iyadoo Boogihii Garoowe Kasoo Gaadhay Lagu Dhayayo, St. Cloud MN, USA”

  1. badar

    dhulbahate abaal maleh saado usoo halgantay ayaa kabaxsan weydey ma cidkalaa kabax sanaysa cajiib

    • Cabdirisaaaq Cawil

      Saaado Waa Fanaanad Caan ah oo soomaaliyeed Lkn Hadase waxaad Moodaa inay Dib Ka xumaatay oo ay Khaatumo Ka Hortimi Dheefna kamay qaadine waatii Habaarkii Garaadada Gaadhigu ladhacay waana Digniin Hadday Saado Caqli leedahayna way ka waantoobaysaa Hadda wararka Laga soo Sheegayo

    • DHAL-DARWIISH

      BADAR
      EY MUNAAFIQ AH BAAD TAHAY.
      MAXAA KAA GALAY.
      XAASID XAASID KEENAY
      REER FIDNO-WALE FAR-DHEERAATAY.

  2. Ali 24

    Waxay ila tahay in laga war sugo intay muqdishu ka imaanayso iyo siyasaadda ay la soo baxdo. Tolow yaan laga horboodin

  3. War dhulbahantow siyaasad cid ku gaadhikarta majeerteeniyo ma jirto ee waxa lagu dilaa qori caaraddii markaas ayuu ku tixgelinayaa sida mareexaan Uga aarsadeen ee kismaayo qori caaraddii ka ga caydhsadeen AMA sidaas yeela oo ku qabsada garoowe oo cidna ha u tu dhina xabad buu inan majeerteen ku waabtaaye ama hoos fadhiista majeerteen nacalaa idinka Iyo waxaad tihiin ku Yale ugaadhyahan bahararsame Jaamac siyaad saddexdiinaas qolo walaahay in aan an gabadheyda geyin oo inta aan noolahay haddii Aad soo doontaan idin siin oo waan ku barbaarinayaa in saddexdaas reer midgo yihiin oo dad xun yihiin oo laga faano.

  4. waxaan Inaadeertay SaadoLeeyahay,ninka Bahdaa iyo baradaada Xumeeya sharaftaada iyo raganimadaada lama siiyo.waxaad dib u milicsataa Taariikhda dhow iyo tiidheeraydaba,bal ka soo hel wax wanaag ah oo majeerteen u galay dhalashadaada(dhulbahante) qudh ahaan iyo qabiilo ahaanba.xumaan waxaan hayan iyo hagardaamo,dhibaatayn magac dil..marka waxaan kuu soo jeedinayaa
    booska la sheegayo,waxaa aduunka iyo akhiraba kaaga wanaagsan,kalsoonida iyo magaca tolkaa dhulbahante kuu hayo iska diid oo diidmo baaq diidmo ah ka soo saar ku gaabso waxa tolkay dhulbahante iigu taliyo ayaan ku go’aa waxaa laga yaabaa in ay iyagu kuu gartaan
    intii lagu kohan lahaa adigu go.aan laguugu xusuusto gaadh

    Khaalid yare

  5. asalaamu alaykum saado cali,eedo iyo inaadeer waxaan waligay kugu ogaa halgamaa,wadanimada soomaalinimada iyo kacaanka jecel,halgan dheerna waad usoo martay,tolkaana maanta waxay ku jiraan marxalad taariikhi ah oo ay kudoonayaa xaqooda iyo dadnimadooda inay helaan,cadkoodana goostaan,arintaana waad ku dhiirigalisay in badan oo waad raacsaneyd in dhulbahante,uusan noqon dad lagu adeegsado oo dantooda inay gartaan,cadowgooda hareeraha ka xiga iska celiyaan,markaa inaadeeray anigu magarano waxa la sheegayo iyo waxa iska kaa bedelay ,markaa bal ka fiirso,waxa aad ku kacayso, ee dadnimadaada, iyo magcaaga kaa aad halgan ka dheer usoo martay,yaan lagaa xayuubin sharafta aad tolkaa iyo soomaliwaynba aad ku leedahay somaalidu waxay ku maah maah daa intaadan falin ka fiirso, waayo magaacaaga iyo sharaftaa waxaad ku bedelankarto malaha waa sharaf iyo haybad ilaahay ku siiyey, aniguna xeesahaaga, qaranimo, iyo fankaagii aad ayaan u jeclahay ,aadna waan kuu qadariyaa markaa taas wax lala meel dhigo majirto xili taahki ah ayey somaali wayn ku jirtaa , khaasatan tolkaa beesha dhulbahante markaa taa riikhdan yey kaa qorin wax aadan u qalmin, bogaad waligaaba kaga jiray somaalinimada iyo qaranka soomaaliyees, halkaas, kasii wad, oo ilaali magaacaaga iyo sharaftaada aad somaali wayn ku leedahay
    mahadsanid

  6. Darwiishy

    War nimanyahow naagtan waalan inaga daaya hadal keeda, Idinkaa markii horeba Kool koolin aysan mudnayn muhiimsiiyey e, Walahay anigu weligayba uma haysan qof macno leh waayo waxaan u arkayey Islaan iska bood bood badan oo aan Mawquf lahayn.

    Aniga waxaa layna ka baahan yahay in wixii dhacay dhan layska dhigno oo aysan ina kala qaybin isla markaana ku dadaadlno sidii aynu u taabo gelin lahay Maamulkeenna Khaatumo Awood meel ay ina dhigtaba.

    In Siyaasadda Somalia la soconno oo aynu garabsiino cid alaale iyo ciddii DANTEENU KU JIRTO , Dgil iyo Midhifle na ha noqotee.

  7. saado waxaan karabnaa in ay cadeyso mawqifka kamuuqda faroole oo kusaabsan fara gelinta qaawin ee kadhex wado caro dhulbahante iyo tan somali wayn ee kusabsan furfurkusheega uu waday beryahan danbe odayga ciise maxamuud iyo doqomada u dhashay deegaanka s s c ee lasheegayo inay weli uciilqabaan dhegxumo iyo ceeb intaan kawayn ilaahow na astur oo hana ceebayn amiin waxaana uga digaynaa FANAANADEENA QARAN IN LAGUSOODHUUNTO OO LADHAGAREEYO OO AY CEEB IYO XUMAAN KALA KULANTO BEESHEEDA DHEXDEEDA IYO TAN SOMALI AY WANAAGA HOREBA UGU HAYSEY EE ILAAHOW SIDII QAYRLEH AAMIIN

  8. Khaatumaawi

    Saado Cali horaa loola taliyey waxayna Khaatumo iyo tolkeed ka dooratay Majeerteeniya oo ah cadowga koowaad ee ummada Khaatumo. hada sheekadu waxay mareysaa oo ku dhamaatay 5 xildhibaan oo Khaatumo ah oo xalaal ah ayaa inoo fadhiya baarlamaanka cusub ee qaranka Soomaaliyeed. 3da kale majeerteeniya ayey u xisaabsan yihiin ninka reer Khaatumo oo xisaabsadaana waa nin waalan kkkkkkkkk

    Guul Khaatumo Kheyr allow dhowr

  9. HALGAME.GODAALO

    Anigu hal arin ayaan odhanlaha sado cali warsame, bal waxaad iswaydiisaa faroole goormu kula heshiiyey, goorma ayaadse col ahaydeen. Waxaan filayaa hadaad labadan su,aal is waydiiso inaad jawab waafiya helayso. Waa tan koobaade faroole ama majeerteen waxay cadow kuu ahaayeen markaad danta dadkaaga kashaqaynaysex. Waa tan labaade markaad dadkaagii wadadii aad wada hayseen aad kabaydhay ayuu faroole kusoo dhoweeyey. Bal hadaba caqligaaga kashaqaysii, mana umalaynayo inaad noqotid shakhsi reero kale danahooda kufushadaan

  10. HALGAME.GODAALO

    Ummada reer khaatumo idina waxaan idinleeyahay guushu wax hal maalin, todobaad,bil,iyo sanad toona lagu gaadho maaha ee fudaydka iyo samir la,aanta halayskadaayo. Horaa loogu maahmaahay(SAMRAA SADKIISA HELA)markaa waxaan idin odhanlahaa halganka halkaa halago wado yaan laniyad jabin, waxan oo dhan qadar allay kudhacayaane. horaa loo yidhi(ADDUUNYADU SAAD URABTO KUU NOQON MAYSO)markaa my dear brothers .plz keep patience. KISMAYO. SOMALIA

  11. farah

    ASC
    Saado way soo halgantay, ee la ixtiraamo. Haddii ay gasho Baarlamaanka, waxay difaaci doonta xuquuqda Dulbahante. Faroole u shaqayn mayso, ee waxa laga yaaba inay taageerto Isaaq, oo sida la sheegay ay will ka jeceshay.

  12. axmed

    war gabdha ha la dhaafo…waa gabadheeniiye, waana hubaa inuusan qofna ka dhulbahanteesnayn….ee yaanan la fududaan.

  13. Amadeo.

    SAADA ha la daayo, ha loo dulqaato, qayb weyn bey ka soo qaadatey halganka SSC iyo Khatumaba,,,,, laakin waxaan ku waaninayaa walaashey in ay siyaasadda lagu hardamayo ee xun isaga baxdo oo shakhsi caadi ah sideedii hore ee lagu jeclaa ku noqoto … siyaasaddu waa (DIRTY) wasakh , wixii wanaag ah ee aad sameysey ayey ka wasakhineysaa,,,, oo kardhkaaga ayay gubeysaa SAADA….

    Weli waxaanan fahmin Kursiga Barkad maxaa SAADA madax loogu saarey ha la ifahamsiiyo… ma garan ma garan..
    saada ILAAH caafimaad ha ku siiyo ,,,

  14. NINA

    saado ilaa iyo maalintay taleexnet waraysiga ay siisay ee ay tidhi gacantii aad gaadhi waydo waa la dhunkadaa ayaan anigi gartay meeshay u socoto waxaan uun ka yaabay saado iyadoon khaatumo ka dhuuman ama sidaa ula dhaqmin bay xil dhibaan heli kari lahayd taariikhdeedaa xildhibaan siin lahayd waxy uun iska dhigtay qof cuqdad qabta oo aan iskeed wax heli karin ilaa ay cadawga u adeegsato dadkeeda mooyee haday saado booskan ku heshay faroole dartii saado waxay na tustay waxay ssc u digriyaysay in danteeda ay rabtay inay ku gaadho qof dumar ah oo danaysatay baan u arkaa lkn danteeda saado meel aad u qadhmuun bay ka raadisay oo dhulbahante aad ugu adag inay aqbalaan

    • JAMAAAL

      NINA …

      Malaaigtu ha ku salaanto Qaali Halkana illeeen waad soo siyaarataa HORUFADHI baan in badan xikmadaada Darsi ahaan u qaatay oo walee akhristaa masha allah Allah yaziidak Faseexadaada iyo Hogo tusaalayntaada

  15. ali

    saado weligeedba waa iimaan la.ayd ,heesahan,ay qaadeysey waa ku shaqeysaneysey.idinkuna daacad baad moodeyseen.soomaaliyoo.dhan hal dolar bay ku iibsanlahad

  16. Waar naagta waalan waxba dhex yaan loosiin ayadoo og go aanka tolkeeda gaadhay ayay faroole hoosgashay 22sano kadib aysolabatay gurigeedina wali matagin waagi horena iidoor ayaa wadanjiray iminkana faroola .

  17. Mohamed

    Asc. Saado wan salamay. Tan kale, inantu ragooday ka quusatay, nin anbaday halku mari lahaa waa ula ekoonayd. Waxba gabadhu may dhimin, caadada tolkeed uun bay raacday. Tankale Saado waa baha nugaaleed ee maxaa Barkad u keenay qaybtiisa. Bahararsame iyo garadkeda way diiya! Iyo weliba aqonyahankeda. Miyaan qaldanahay

  18. Dhooddi

    Haddii Laascaanood laga saari lahaa hadhka yaaca haysta siyaasadda aynu xamar ka wadno miisaan culus bay yeelan lahayd. Niman yohow ogaada Soomaaliya dagaal sokeeye ayaa ka dhacay, inta waxqabsiga ku jirtaana qori caaradii ayay ku heshay ee wax hadiyad la isku siiyay ma jirto, inta Khaatumo ku taagan tahay ama Dhulbahante ku gorgortamayaana waa is difaacii wax ku oolka ahaa ee beeshu ka muujisay aagga Buuhoodle iyo naftood hurayaashii wacdaraha ka dhigay goobahaas. Walaahay intaasaa Xamar lagu gorgortamayaa, oo qofkasta oo Xamar ka gorgortamayaa maalin buu taariikhdiisa qortay oo xabbad ku muujiyay. Wiilka aan u malaynayo inuu Mareexaanka yahaye ee “Sarhaye” ee faalada kore qoray wuxuu yidhi idinka iyo Majeerteen Garoowe isku qabsada markaasay idin daynayaane; hadalkaas waxbaa ka jira, danbana wayba u tegi doontaa haddii Max’ud Saleebaan wuxuu wado uu san joojin laba dawladood baa ka dhismi doona Garoowe sida Gaalkacyo oo kale waxbana kama duwana Gaalkacyo iyadaana kasii jilicsan. Muhiimadu waxaa weeye waxba Saado haku mashquulina ee qoriga Baasuukaha ee laga rido aagga Laascaanood ayaa website-keena oo dhan ka qaylo dheer dhawaaqiisana Mahiiga si fiican u maqlayaaye war Laascaanood, war Laascaanood, war magaciin jirye Laascaanood!!!

    • Ugaaska hidig

      Ani waxaan oran saado waxay isticmaalaysaa diplomacy waana qof caqli badan waxayna leedahy waayo aragnimo badan ani waxy ila tahy wax badan ayey bedelysaa inay ku biirto baarlamaanka magac iy sumcad na waa keenaysaa

      Ee yaan la degdegin……

  19. Dhooddi

    Saado iyada waxaan leeyahay inaadeer xijaabka aad qaadatay haddii uu dhab yahay ha iska bixin mar danbe sharaftaada ayaa ku jirta e. Ogowna waxaad tahay gabadhayadii cid nagu kaa qabsan kartaana ma jirto. Ilaali sharafteena meel kasta oo aad joogto iyo wakhti kasta oo aad marayso. Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

  20. Asc Wr Wb >dhamaan waxaan salamaya umada soomaliyeed gaar ahaan reer khaatumo , hadii aan fikirkayga ka dhiibto saao cali warsame aniga oo ah gabdh u dhaltay guuleed garaad ahna gabdh khaatumaysan waxaan odhan lahaa saado cali warsame inadeer saadoow waxaad ahayad gabdh magac ku leh umada soomaliyeed dhexeeda gaar ahaana waxaad ahayad gabadh reer khaatumo sharaf ku leh laman ilaawi karo halgankii aad u soo martay ssc intii uu jiray kacdoonkii ssc waxaynu wada ogsoomahay ssc inay dhashay khaatumo mar mar waxaan is waydiiyaa tolow saado maxaa ku kalifay inay trainka kaga dagto ssc oo ay halgamka uga dhaco wakhtihii >csw dhintay baa muslimiintii yar calool xumaadeen markaasuu intuu abu bakar mambarkii fuulay buu ku yidhi yaa macsharila asaxaaba hadii aad rasuulka dartiin ilaahay u caabudayseen dhimay rasuulkii hadii aad ilaahay caabudayseen alle waa baaqi > waxaan uga jeedaa saadoow hadii aad nin xagalatoosiye la yidhaaho aad ssc u taageeraysay tag hadii ay qadiyadu kaa ahayad dhulbahante nimo iyo magaceenu inuu jiro wali waa jiraa dhuloos iyo maamul aynu u wada dhanhay ,, waana wax laga naxo inaad maanta faroole hoos fadhiisato oo aad ragaaaga ku noqoto silaax lagugu adeegsado magacaaga anigu kuma odhanyo barkad baad meel ka qaaday waxaa iiga sharaf badn barkad dhulbahante oo maanta ka guuleesta faroole iyo wuxuu cagah ku jiidanayo >muxuu daris kuugu noqon waashay shilkii alle kaa badbaadiyay maxaadse ugu ekaan wayay fanaanimadaada oo aad ragaaga u hor ordi >viva khaatumo iyo intii danaynaysa danta dhulbahante reer khaatumoow haniyd jabina >garab is taaga cali khaliif

  21. ahmed

    asc dhamaan bulshaweynta reer ssc ee khaatumo state of somalia. waxaa inagu socda weerar fara badan inagaga imanaya deriysyada waxaase inaga ga daran kan nagaga imanaya waxma garadkeena caadaqaataheena dhuuniqaataheena ha ugu darnaato saado fudud oo iyada aan u hanweyneeyn aheyd gabadh aan qiimeyno gaajone aanan ku tuhmeyn balse ilaah imaankii ka qaadey halmar ciqaab degdegana heshay qiyaamada ay kula kacdey bulshadeedii oomaanta meelkasta sharooto kaga dhegsan tahay…ragaana wareega ku fiicnaaye islaamuhu guryahoodey ku fiicnaayeen ee aan ilawno saado codkeeda aan ilawno websiyada ssc waa iyo radio-yada waa inaan laga maqal sida sheydaanka waa in loo naaraa!!!!!

    • Adeer waa gabadh saado oo ayada yaa iska carootay ee yaanan ku habsaamin oo waa in aanu horay uga soconaa,dee hawsheena aanu wadano,gabadhaa waxba na yeeli meyso,khaatumo waxaa loo istaajin maayo hadii berito la yidhaahdo Ali
      Khaliif baa tagay maxaanu sameyn laheyn,miyaanu u istaajin laheyn dee waa
      maya horay yaanu uga socon laheyn,khaatumo ka weyn cid kasta waana ineyno wada ogsoonahay,

  22. Labo Suul

    Ali

    Walahay waa runtaa Islaantan Saado waa iimaan waalad caado qaatad ah sidaad sheeegtayba Heesaha ay qaadi jirtay way ku qadhaaban jirtay lacag ayey ku samayn jirtay u jeedadeeduna ma ahayn SSC jacayle shaheeda ayey ka soo saari jirtay.

  23. AWDALSTATE MAN

    SAADO!!!HALKA REER AWDALSTATE MEEL WEYN BAY NAGA KA TAALA LAKIIN BEERYAN DAMBEY SAADO MAXA KU DHACAAY??MIYEE JAH WAREERTAY???SAADO FANAANAD QARAN OO WALI BA DHULBAHANTE SO URURISEEY BA TAHAY EE SHARAFTA AY ISKA GADIIN HUNNO AMBA WALALOO

  24. DHAL-DARWIISH

    Saado waxaan kula talin lahaa laba arrimood.

    1) IN AY TOOBAD KEENTO OO IS ASTURTO SI AANAY KHAATUMO-SEEG UGU DHIMAN MAR HADDII AY KA BADBAADAY SHILKII KU DHACAY EE
    AHAA HABAARKII XAQA AHAA EE KA DHASHAY DEMBIGYADDII LAGA GALAY SHACABKA IYO ISIMADDA DHULBAHANTE, HADDII AY DAMIIR LEEDAHAYNA DIGNIIN UGU FILAN.

    2) IN AY SI RASMI AH UGALA BAXDO DHIIQADA AY FARAHA LA GASHAY,
    DHABAYACO IYO FIDNA-WALENA ISKAGA HADHO INTA GOORI GOORTAHAY EE AANAY KHAAUTMO-SEEG AAKHIRO IYO ADDUUNBA KU DAMBAYN.

  25. cabdi xaaji

    Saado maanta baahi u gaynaysa ma ogin, magac inteedaa ku filan, waxay u aado Muqdisho oo tolkeed cadkooda cadow ugu hiilisana waa wax waqtigu qori doono mudo dhow???!!!
    adeeer xubinimada baarlamanka baahi iyo gaajo toona loogama baxee ee waa sharaf qaran waana dadka ilaaliya sharciga qaran iyo dastuurka, tankale nimanyahaw xishooda oo tolkeen haingu dirinina saas maaaha arintuye ceeb weeye waxaad samaynaysaane walaahi waa wax laga xishoodo diiniyan iyo dhaqan ahaanba, waliba beesha dhulbahante oo lagu yaqaanay dhaqan yaqaano dee naga daaya sidaan!!!

  26. saciid

    walayaab dhulbahante meel uroon lawaah fananada cankaha oo sharafta mudan halyeyga ah baldahab kakashay aduunka oo dhan in koxo nabadiid ah iyo ar gagaxiso oo iskun maga caabay ssc oo waxeyihiin an la aqoon iskunah shegay inay utagan yihiin beesha dhulbahante oo uadegaya mamulka lamagac baxay soomaliland gunu kanaqataah si eey u wiqaan midnimada beesha dhulbahante

  27. nugaal girl ssc

    NINA

    inaadeer halkana masoo gashaa kkkkkk nice to meet u macaanto…

  28. WAR WAXAAN IDIINSHEE GAYAA NAAGTAN WAAGAy heesijirtay eeay lahayd ssc weyhanaqaaday waxay uruur sanasay dhaqaalo kamay ahayn daacad hada waxaa soobaxay gabdho khaatumaysan ooka codfiican sida nimco dareen jihaan jalaqsan hani khaatumo mar kay aragtay inaan loobaahnayn ya buufisku dhacay habarta waxaa hees boosaaso layiraahdo usoosameeyay sangub oouhaysta inay wali sideediitahay waxaa wax usoouruuriyay dha bayacoodhan oousoodiray garoowe halkaas waxaa kuguursaday maxamuud xaaji cumar oowalaalkii qabijiray waagiihore WAXAA LOOBALANQAADAY HADII AYXILDHI BAANWEYDO INWASIIRLAGADHIGAYO MARKAA HABARTA WAXAADAYACAY REER KHAATUMO WAXAY JECLAATAY CABDIHOLAN OODIIDAY WAAGARTEED WEY JOOGDAY

  29. ayan

    dhamaan waxan salaamayaa reer khaatumo .waxaan kale oo aan rabaa in aan halkan wax ka idhaahdo ,gabadha magaca lahayd ee saado cali haddiiba ay akhrisaneyso saadooy,aduunku waa hadhkaa labadiisa galin wax kastaaaba taariikh bay noqonayaan ,maanta haddii aad tolkaa aad ka raacdey nin aan waxba u ahayn adiguna waxaad ogaataa in lagu isticmaalayo takale saadooy wax laguu qaatey in aad iskaga baxdid siyasada foosha xun ee aad dhexgashey .tolkaabaa wax kaa dhig kara iyo magacaaga faroole waxba kuma taraayo saadooy waa la doogiye yaan la dacaroon hana iska baabin sharaftaadii

  30. Saado waxaan ku leeyahay nin An kuu fureeny Yuu kuu rarin ee saado waxaad ahaan jirtey qof dhamays ah laakiin waxaad hada noqotay qof dhiman ee waxaad ubaahantahay QURAAN IN LAGU SAARO oo ay garaadadu ku saaraan ee Eedo is xisaabi bye

  31. It is actually a nice and helpful piece of info. I am happy that you shared this helpful info with us. Please stay us up to date like this. Thanks for sharing.

  32. khadija

    yaan lagu fagaan hadalada aad ka qoreysaan saado saado waa halyeyeyad dhulbahantoow saado waxaan hubaa meel ay fadhido inaan bahal kugu cuneyn saado waa naag dhiig badan saad moodeen maaha balse wey yara carootey hadana waxaan leeyahay u duceeya in alle caafiyo una booga dhayo inaad meelha ku qortaan faaladan oo kale maaha ssc wey hana qaadey, kalshaaliyo aney iska leh, sheudaanka bulbulada, intii hees ay tirisey ma iloowdeen xasuusta halgankeedii dheeraa xasuusta heesha aan ka lala joogsiga lahayn saado cadow idinka hiilin meyso waxa ay sameysey waa wax caro ka keentey iyo dad si xun wax ugu sheegey ee daaya halyeeyada geesiyada dhulbahante wey ogtahay iney leedaha maamul khaatumo layiraahdo mana inkirsana balse wey dudey ee soo halaga daba tago iidaaya saado saado ina adeer allaaha ku caafiyo tolkaana dhina ka raac sidaad horey u ahayd halkaa ka sii wad halgankii sheeydaankana iska naar kaas ayaa qofk kasta wax beena tusa wax beena u sheega allaha kaa qabto xaqana allaha ku garan siiyo nooloow ina adeer cadogaada allaha jebiyo nooleey naagaha wax dheer saado soo noqo adoo nabada macaan.

  33. Nafisa

    Maansha allaah Saado cay iyo ceeb toona maleh,maanta waxaa guul taagan BAHONUGAALEED oo sadex xubnood yeeshay,waligood ma yeeln,mar walba F iyo M baa badsanayey.guu guul iyo cadaalad

  34. salaamullah dhamaan, waxan aad uga xumahay oo aan wanaagsanayn in dadka walaaalaha ah colaad iyo dhib la dhex dhigo, ninkastowna ogow wax kastoo aad sheegtay waa la qorayaaye qalbigaagana ilaahay waa ogyahaye, tan kale nimanyohow qabiilkan lala waalanayo inta iska daysaan ssc baa la dhisay waxba iyadoon qaban baa laga tagay, khaatumo hada cago badan kuma sii taagna dee dhulbahantow ma qabyaad ku jiraysaan ilaa qiyaamaha, nimanyohow isla yaaboo cuqdada iska saara oo ilaahay ka baqa, waxaad qabsan waydeena cidna haku eedaynina. mahadsanidin, saadona waa muwaadinade hala taageero mar kasta.

  35. saado cali warsame

    ma rabo dhulbahante iyo wxi khadumo seeg ahba anaa doortay tolkayga geesiyasha ah ee caqliga alle siyaay ciqli ma laha dhulbahante wwax waalan dhan uu socdo iyo dhan uu ka socdo ma garanaysid waa nacay uf uf

  36. Afkii aad shalay ku amaaneeysan Saado Cali Warsame ayaad manta ku caayeeysaan KHATUMO SEEGAYAALOOW’ waxaa la yirii Amxaaradu afkay kugu amaanto ayay kugu cuntaa’

    War hada ma Saado ayaa idnka baxsan la’ wale afkay idinkaga hadhay

  37. asc dhaman waxan salamya umada somaliyeed melkasta oo ay kajoogan aduunka intaasi kadib waxan raba in an usheego beesha dhulbahante saado waa fanaanad kadhaxaysa uma somaliyeed marka maxa qaldan faroole waa in adeerkeeda waayo hadii ay matasho ma caybbaa walee war waxan fiiri dhulbahante matashade war majeerten lanoolaada keligiina wax maqabsankartaane waayo majeerten waa siyaasad oo kali marka dadkiina raaca xaqiina qaata mida kale waxan leeyahay war umada aflagadada kadaaya madaxda faroole waa hogaamiyaha oo kali ah uu la deal garaynkaro hawiye mad madoowe marka faroole viva garac waxad gaarto walee laandheera ayadtahay in adeer viva paris cadey farance byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  38. ismacil

    aniga shaqsi ahaan teyda saado waa saxantahay waayo waxay qadatay xubintii puntland marka waana wadaniyad dhulbahante puntland qeyb weyn ayey ka yihiin marka cali khaliif oo aan lahayn shaqsiyad yuusan idin waalin walaahi in aynaan ka maarmin majeeerteen runta ha laisu sheego

  39. Cagaweyne

    Waxyaabaha halkaan ku qoran waxay muujinayaan sida Khatumo seeg ay qubrbojoogtii u waaleen iyagoo qaadan la’ in Khaatumo ay irbad dhashay yacni
    halka kursi ee Cali Khaliif uu baryada ku helay.
    Ka akhriso arrintaas Buhodlepost (liiska xildhibaanada), kagana boggo Boocame wareeysiga Injineer Cadami.
    Tan kale Saado ayaa gaari kara, ma tuugga Cali Khalif ee Somaaliya malaayiinta ka xaday dartiis ayaa loo xagxaganaayaa?
    Waryaaya cuqdada iska saara haddii kale cudur baad ka qaadi doontaan.

  40. Badal

    Hadda cabashadu maxay waxay maraysaa Saado Cali ayaa boobtay kursigii Barkad!. Cajiib!. Goorma ayaa kursigan Barkad loo qoondeeyey?. Saado booskay gashay waa kii Khaalid qorshahana waxuu ahaa in xubnaha Dhulbahante ay haween kujiraan iyada qof uga haboon majiro beesha Khaalidna way ku ammaantahay inay booska gabadhooda siiso.

    Any real Dhulbahant should be proud of Saado, she is indeed very able person shrewd politician so harness your belt and brace for landing.

Qormadaada

Photo Gallery