Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Riwawaayadii Gar iyo Gardaro (Oo ay Jilayaan Hoosgalyaasha SNM, Horbooyadayaasha SNM, SSDF, Alshabaab, iyo Madaxda Khaatumo iyo TFGda)


Riwaayadani waxay ka sheekayneysaa siyaasiyiinta iyo xaalada ay maanta soomaaliya marayso.
Waxaa jilaya magacyo badan oo aan idinku cusbayn.
Waxayna akhristayaasha u noqonaysaa joogto ama Musalsal.
Qaybteedii koobaadna waxay ku bilaabanaysaa sidan.

INDHA SHEEL.

Gobanimadayada
Ninka fara geshaa
Inuu go’ayo ma arkaa
Dhiig gobo’leh iyo geeri
Iinuu galabsan ma ogyahay.
Beenbaad gadeysaa
Waxa ay guntuna tahay
Waagantaale aad ku gubatid
Waa gumuce ha ku jiidho
Waa gamase iga hoo.

XAGLO TOOSIYE.

Inkastoon cadhiyo
Ciil hore ku baday
Mar hadaan cawdoon
Cagahaaga aal
Ciida haygu ridin.(Siil-aanyoow)

SIIL-AANYO.

Qof gefaa abaalkii.
Yahay guul daraantee.
Waxaan ahay nin gabanyahow.
Gacantaadu melegtee.
Waxaan ahay nin gar eexiyo godob kaa tirsanayee.
Garab hayga filanine
Gurigayga ii dhaaf.

INA CABDI XAABSADE

Haduu caashaqaygu talo iyo
Tusmiyo taageero leeyahay
Sidaa uma kala tasoobeenoo
Habeenba toban ma goosmeeneey
Markaan tiriyana tan iga maqan
Intaan tebiskii ilaawo
Kan toodka ah umaan toleeneey
Aduunyooy tabatabaaley
Kaxaan caashaqa tukubiyoo
Yigaad iyo geedo siiyoo
Naftayda u tukhunyukheeyaba
Miyaa tani ii dambeysey.

FAYSAL CALI WARAABE

Berri iyo maanta baxnaanadoodaan
Nafta been u sheegee.
Bil waliba bishii kale
Igu sii balamisoo
Bedel iigu dhiibtee.
Iminkoon besteet ahay
Baroor miyaa wax ii qaban.

FAROOLE.

Walwaal kacabaan is idhi
Wadaamihiibayla go’ay
Weydaartey karkaaradii
Waqtigii bayga hiishee
Waayo aragnimo la’aaneyba’

AXMED GODANE.

Intaan doonida wadaayo
Shabaabkiyo duunyadayda
Intaan dalbadoo hogaansho
Cidaan doonaba dilaayo
Oo intaan madaxayga duubtay
Durbaano la ii garaaco

Hadaan koonfur dakhar u geystey
Hargeysana dabaq ka taagtey
Maxaa iga daadanaaya
Hadaan dir waqooyi sheegtay.

SHARIIF SAKIIN.

Markaan daa idhaahdee
Dubaaqa iyo maankiyo
Dookha aan ka saaraba
Dadnihii dalooleey
Daqarada ku jiidiyo
Sow damacii waalaa
Ima soo diraayoo
Kacoo dayday imalaha.

SHARIIF LA SOO GAMEY.

Anoo dumarka iyo sheekadooda
Iska daayey oo aan ilaawey
Dabin soow adigu iima qoolin
Anoo daalan hawl ilama doonan
Iska daansha daanshood dhulkaagoo
Idishaye walaal haygu diganin (Mahiiga)

FU”AAD AADAN CADDE

Anigaaba waalaa
Weel hoos u foorora
Wax ku shubo markaan idhi
Waa dambaanse loo noqon
Weriseey adoo kale.

La soco qaybta labaad iyo wiiga ama isbuuca dambe hadii Eebbe idmo.

Waa Fikradii Cabdiwadani oo ah Abwaan u Dhashay Khaatumo State iyo Soo gudbintii Allssc.com
Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=36572

Posted by on Aug 5 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Suugaanta, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Riwawaayadii Gar iyo Gardaro (Oo ay Jilayaan Hoosgalyaasha SNM, Horbooyadayaasha SNM, SSDF, Alshabaab, iyo Madaxda Khaatumo iyo TFGda)”

  1. kkkkkkkkkkkk walaahey waan qosley waa riwaayed xiiso leh oo qaali ah
    waan wax runa kuligeed aad buu u mahadsan yahey abwaanka cabdiwadani halkaas ka sii wad waanu ka agdhowaneynaa webka allssc.com

  2. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk shyt w qosol walahy

  3. mumin

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Qormadaada

Photo Gallery