Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

RIWAAYADII GAR IYO GARDARO QAYBTII LABAAD

SAADO CALI.

Anoo ladan laamahaa korayoo
Is laalaadshey intaan is laba rogey
Leefoo haliqinbaa
Lurka ii horseedee
Naftaydaneey lullulka igadaa.
Jacaylkaygu badanaa
Miyaan boqol u qaybsami

CABDISAMAD CALI SHIRE.

Mar hadaan cankaygiyo
Malooshayda wax u helay
Oo aan cantuugada
Baryo laba canleeyoo
cadceedii timaadaba
laba cali warkood helo
cisi iima laabnee
cabitaanka ii keen.

INA CAMBAASHE.

Anigoo jirriyaa jid ii baxayoo
Jeeraariyo orod ma joojin karoo
Nin Isaaq ah baan ahayoo
Iidoorka la jaal ahbaan ahayoo
Jidiinka waxaan marshay daranoo
Jigraan ku ilaalin jeebkaygoo
Jeesteeyey intaan tolkay jarayoo
Ku jeesjeesay jeelka kaan dhigayoo
Jaliilku i sii jidh aan nixinoo
Maatada jalataan jaguugaayoo
Nin Idoor ah baan ahayeeeeeeeeeey.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Madaxweyne: AXMED KARAASH.

Hantidaada uunbaad
Ku haraad baxdaayoo
Hooyo iyo aabiyo
Haweenkiyo caruuraha
Hoo odhan kartaayoo
Hibo weeye khaatumo
Waana lama huraankee
Hiyigiina geliyoo
Hareeraha ka joogsada.

Madaxweyne: BIINDHE.


Waan soo socdaa kowdhe
Waxna waan sidaa labadhe
Samir yeesha weligiin
Si kastaba ha noqotee
Subax aan fogeynbaan
Saldhigii taleex iyo
Sabadaydii imanoo
wixii layga sugayiyo
saanadiiba keeniye
sugayoow ha moogaan.

Col. CALI SABAREY

Waxaan ahay halyeey dhaba
Horgalnimo ka dheeroo
Horaa lay ogaadoo
Weligey ma hiyi kaco
Hosjiifna maan noqon
Hadana uma socdee garo
Halgankii aan wadeybaan
Sii horqaadayaayoo
Waa halkudhegaygee
Hanoolaato khaatumo.

Dr. CALI KHALIIF GALAYDH.


Ninba wuxuu dhitaystaa
Lagu dhaahiyaayuu
Dheefteeda maalaa.
Khaatumo dhulkaygoow
Inta dhinacaygu
Dhulka uu ka sareeyo
Laguu soo dhicimaayee
Dhudhunkayga ku daaq.

GARAAD SALEEBAAN

Halkaan duhur ka guuraa
Rag habeen u gudayaa
Haadaamo qodanbay
Habili’i ku marayaan
Farooloo habaar qaba
U hagooganaayaan
Hooy yaa ka joog dhaha
Aniguu i heeree.

LAAS CAANOOD.

Dadkaygii irdhoobee
Doqoniimo lumisee
Deriskiyo shisheeyaha
U durkee inacayoow
Kuwii daradhigtaydiyo
Kusoo koray dushaydee
Dambarkayga nuugoow
kuwii doogii igu yiil
Kaaraha dulmariyee
Aqalkoodii dumiyoow
Kuwii diricyadoodiyo
diley geesigoodee
Ii dagay cadaawoow
Deegaanada shisheeyeed
Igu doorsaneysaan
Da’dii soo koreysiyo
Dumarkiyo caruurtii
Diinta ma u siyaadsheen
Ma lay diirnaxaayoo
Dib malay xasuustaa
Ogoow dayaca aan qabo
Diifta iyo baahidaan
Dadkaygoow idiin qabo
Dushaydaad ka aragtaan
Deegaanadii kale
Dacaladay u fidayaan
Anna daarahaygii
Waayahaa duleystoo
Dabayshaa ku foodhida
Hadal iyo dantaydee
Degdeg iigu kaalaya
Mar uun iga dabaaldega
Farxad aan dekeeyoo
Dusha calanka saartoo
Khayrkay la doodee.

Waa ereyadii Cabdi-wadani(Cabdi-Khaatumo)
Isuduba ridkii Allssc.com

Waa inoo todobaadka dambe iyo qaybtii sadexaad.

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=37411

Posted by on Aug 13 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Suugaanta, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “RIWAAYADII GAR IYO GARDARO QAYBTII LABAAD”

  1. Amadeo

    wallee addunyo,,ILAAHOW noo naxariiso, reer khatumona u naxariiso….

    saada wey fududaatey,, maxaa minnesota ka keeney, ilaahow gabadheena caafimaad sii,, saadooy towbad keen gefka aad odayaasha xamar ku soomartey oo aad u geftey ka towbad keen,, gabadheenaa tahay mar walba,, ee mar danbbena saadooy siyaasadda wasakhda ah ha soo dhex gelin,,, siyaasadda waa wasakh ,,,, kadhkaaga ay gubeysaa saadooy,,, bulshada Khaatumo meel fiican baad kaga jirtey ee makaankaada soo cesho,, oo cadee in aadan siyaasadda wax shaqo ah ku lahayn……

    waano Saada si deg deg ah buuhoodle u aad si aad u soo ceshato sharaftaadii aad lahayd oo shir ku qabo buuhoodle oo saxaafadda ka cadee in aad tahay gabadh reer khatumo ah oo aan ula dan lahayn in ay dhaawacdo reer khatumo iyo maamulkooda,,

    saada waan ka xumahay in maanta aad adoo jirran aad garoowe joogto bil dhan oo aad ehelkaada buuhoodle booqan….

  2. saado sideedaba qadiyad malaha ee waxay hadba raacdaa wadada ay is leedahay shilimaad aad ku qayishaad ka helaysaa.
    waxaana hubaal ah in ay ku jireyso weligeed noloshan fanka oo ah waxa keliya ee ay ka qabasho baratay.
    waanona abuur ayaa ka horeysey.
    waxaana cad hadii faroole u yeedhana jacayl ay jeceshahay uma aadeyso ee xoogaageeda ayay ka soo qaadanaysaa.
    waraabaa beri lagu yidhi hooyadaa ma jeceshahay.
    wuxuu ku jawaabey.
    hooyaday hadii ay nooshahayna caanaha ayaan ka jaqayaa, hadii ay dhimatana iyada ayaan cunayaa.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    saado SSC jacayl ulamay joogine caanaha ayay ka jaqaysey.
    markii ay khaatumo bedesheyna way cuntay.
    sidaas ula socda wax dan saado leedahay oo dhulbahante uga dhex muuqdaa maadaama uusan jirin waxay aadeysaa meeshii kale ee ay waxuun ka heleyso.
    sida pintland, somaalidiidka IWM.

Qormadaada

Photo Gallery