Qurbahaan Jiraa, Wallaalkay Ama Aabahay Oo Dalka Jooga Ayaa U Shageeya SNM Iyo SSDF Kana Ah Horgale, Waana Taagersanahay!!!(Maqaal+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Sida aynu ka warhayno dad badan oo u dhashay gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ee maamulka Khaatumo State ayaa ku wada nool dalka dibadiisa”Qurbajoog”, Yadoo markii horeba maamulka Khaatumo State laga dhisey London,Uk shirkii Khaatumo1 na lagu qaban qaabiyay magaalada, Hadana shirkaasi ahaa fikir kasoo go’ay qurbajoogta u dhalatey gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn.
Shirkii Khaatumo1 ayaa ahaa fikir ka yimid qurbajoogta kadib markey arkeen xaalada goboladooda iyo shacabkoodii oo xaaladoodu meel xun mareyso ayay waxay go’aan ku gaadheen sidii ay u dabaqaban lahaayeen sharafka umadooda ee midba meel laga tuurey iyo sidii ay u mideyn lahaayeen goboladooda ay u dhasheen isla markaana maamul ay wax ku qabsadaan u sameeyaan oo ay Somali wax kula qeyb sadaan.
Sidoo kale shirkaasi Khaatumo1 markii ay ku qabteen gudaha magaalada London ee dalka UK ayay go’aan ku gaadheen inay usoo bandhigaan shirkan wixii kasoo baxay shacabkooda iyo madaxdooda,isimadooda iyo waxgaradkooda madax iyo minjaba.
Waxaa markaasi dhacay shirweynahii Qurbajoog iyo Daljoogba laga mideysnaa oo markaasi beesha Dhulbahante kaga tashaneysey Aayaha dalkooda iyo dadkooda iyo sidii laysu daba qaban lahaa isla markaana Waraabayaasha layskaga caydhin lahaa weerarka kusoo qaadey gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyo shacabka u dhashey ee ku dhaqan.
Shirweynahan oo ka dhacey magaalada taariikhiga ah ee Taleex yadoo sida aynu ka warhayno ay halkaasi iskugu yimaadeen daljoog iyo qurbajoogba sidoo kalena ay kasoo qeyb galeen G6 iyo golaha dhaqanka ee beesha Dhulbahante, Isimo,Cuqaal,waxgarad iyo Culimaa’udiin madax iyo minjaba, Isla markaana ay taladu u taaley loona fadhiyey wixi ay soo go’aamiyaan ama ka yiraahdaan talada Qurbajoogta beesha Dhulbahante oo ahayd midnimo doon.
Hadaba waxaa hubaal ah oo aynu ka wada warheynaa in shirweynahaasi ku dhamaadey is afgarad loo wada dhanyahay layskuna raacey in shacabka gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn loo sameeyo maamul ay u wada dhan yihiin, Isla markaana ay wax kula qeybsadaan guud ahaanba umada Somaliyeed maamulkaas oo laysku afgartey in loo bixiyo Khaatumo State Of Somalia.
Hadii aan u daadego gunta hadalkeyga waxaa meesha taala su’aalo badan oo ay isweydiinayaan dadka xalaasha ah ee yagu taladan qaatey, Ama inta badan maskaxdeyda dhex wareegaysa.
Inta aanan su’aasheyda u daadegin waxaa jira oo aynu ognahay in ay jiraan maanta dad badan oo dibada maanta jooga isla markaana ka haya qurbaha shaqada foosha xun ee maanta dalka gudahiisa laga xishoodo oo aan markaasi u naqaano anagu hadii aanu ku nool nahay dalka gudahiisa Horgalnimo.
Dadkan qurbajoogta ah oo markaasi kasoo horjeeda sharafka Isimadooda iyo Aayaha shacabkooda, Isla markaana aan u maleeyay in ay u daneeynayaan dad yaga gaar ahaan la dhashey ama dhaley ama ay dhaleen oo gudaha dalka uga shaqeeya maamulada hareeraha inaga xiga oo aan markaasi wax dana u hayn shacabka reer Sool,Sanaag iyo Cayn dadkan oo haya shaqooyinka loo yaqaano Horgalnimo,Basaasnimo,Dabadhilifeyn.
Su’aalaha i hor taagan ayaa ah kuwan aan idiinsoo bandhigi doono isla markaana aad u faro badan, Su’aalahan oo aan idiinku soo qori doono sida ay iigu kala weyn yihin waana kuwan:-
Xagee ayay jireen dadkan qurbaha jooga ee maanta Khaatumo State kasoo horjeedaa markii maamulka dhidibada loogu taagayay magaalada taariikhiga ah ee Taleex?
Miyeysan markaa beesha Dhulbahante ka mid ahayn oo aanay talada wax ka lahayn? Mise waa kuwo gadaal kasoo baxay?
Ma uga soo horjeesan layad qof ehelkaaga ah oo maamulo kale Horgale u ah, Sharafka Umadaada oo dhan, Aayaha ubadkaaga iyo horumarka deegaankaaga iyo sharafka Nasabkaaga?
Horgalenimada iyo Basaasnimadu ma wax ehel iyo abtirsiba lagu faano baa?Xumaantu ma wax laysku raaco baa? Wanaagu iyo Sumcadaadu ma wax dhulka lagu jiido baa?
Rabitaanka shacabkaaga iyo goboladaadu ma wax laga soo horjeesto baa? Talada Isimadaadu ma wax la diido baa shaqada shisheeyaha dadkaaga neceb, ma wax la jeclaado baa?
Ducada Madaxdhaqameedaada guud ma wax la diido baa? Siyaasi karaamadaada neceb ma wax loo shaqeeyaa?
Gabagabadii qoraalkayga waxaan jeclaan lahaa inaan intaasi kusoo koobo Su’aalahayga, Waxaan jeclahay in su’aalahani qof kasta oo dhalashadiisu tahya mid xalaala isla markaana kasoo jeeda ab iyo isirba gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn in uu uga jawaabi doono su’aalahan si sax ah isaga oo markaasi adeegsanaya Maskaxdiisa kana shaqeysiinaya.
Waxaan kale oo aan hadalka kaga bixi lahaa jeclahayna in aan u sheego wallaalahayga u dhashay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn, In uu inaga dhaxeeyo hal magac hal,hal abtirsi,hal sharaf,hal karaamo, daawasho iyo ceebina inoo wada taalo, Plz caqli saliima ha laga wada shaqeysiiyo.
Wabillaahi Towfiiq
W/Q: Wariye Rashiid Kayse Cawil
Buuhoodle G/Cayn
0014154491111
Allssc News Desk/Online
Rashid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=37792













ASC waad mahadsantahay walal jawaabta su,aalahan oodhami waa maya maya, wax lagashaqeeyo maahan wax laqaato mahan wax lajecladona mahan. Dadkan hawlahaas kashaqeeya Wad lad socotan dhaqala xuma mahayso dadla ani mahayso ,waadad sikale wax udoonaya waana layaab hawshooda iyo waxa lagu qanciyex .ILAHAY HANAGA QABTO UMADA NOCASA .
Asc, Waxaan filayaa brother in suaalaha oo dhami isku si looga jawaabi doono, Nin walba iyo Gabadh walba oo ku abtirsada magaca dhulbahante ama deegaankaba aan idhaahdee oo damiir lihi jawaabtoodu waa maya.. Waxaase xusid mudan halka sirtu ka qurantay.
Horgale Dabadhilif Caadaqaate iyo waxanaynu canaasiirta u naqaan maanta marbaa jirtay qaar ka mida aad loola dhacsanaa, waliba kolayba aniga shaqsiyan, oo aan oran jiray, nin la mida ninkan oo reerka ka dhashaa Qarni ka hor baa ugu danbeeysay. Hadaba kii wax yara qawadaaba haduu wuxuu ahaaba habaraha hoos tago magac iyo sumcad wixii jirayna saylada sidii neef adhiya boqalaal doolar siisto, bal beri maxaynu ka yeeli kuwa hada laftigeeda hogaanka inoo hayo, ileen iyaba alaahu yaclam waxay noqan hadi wax yar is weeydaartaane, mise iyana website walba ayeeynu marba page hore ku soo daabacnaa oo magacyo u bixinaa.
Anigu waxay ila tahay in at least hadal hayntooda iyo halkanay mareen iyo waxanay sameeyaan iyo magacyo loogu yeeraa macno badan iyo wax faa iido ah oo ay inoo soo hoyinaysaa jirin, ee aamusnaanta lagu ciqaabo, ciday daba ordayaan iyo heshiis ay galaanba hadii lawaayo cid ka hoos qaado danba cidlay ugu soo dhici..
Inadeer waad saxantahay darwiish insha’allah
Khaatumo=guul.
Laakiin had iyo goor waxan ku wareeraa markaad
qorto (yadoo) halkaad ka qori lahayd (iyadoo).
Ama(yagu) halkaad ka qorilahayd(iyagu).
Mahadaanid.