Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qaylo Dhaan Ka Taagan Suuriya Oo Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Dimishiq Suuriya, Go’doona Ku Ah Xaafadda Tall

Wararka naga soo gaadhaya Dalka Suuriya ayaa sheegaya in lagu dilay halkaasi Soomaali Gaadhaysa 20 qof   sadex ka mid ah  dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in maydkoodii lagu arkay a xaafadda la lagu magacaabo  Tall oo ka mid ah xaafadaha Caasimada Suuriya raacsan kana beegan dhinaca galbeedka.

Sadexda qof ee maydkooda lagu arkay  wadada u dhaxaysa Tall iyo Xaafadda iyadana lagu magacaabo Xorna  ayaa waxaa ka mid ah Marxuum caanka ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya isla markaana tukaan ku lahaa halkaasi waxaana  laguna magacaabi jiray  Abuubakar Soomow.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Suuriya C/ramaan Xadaana oo xidhiidho badan la sameeyey jaaliyadda Soomaalida haddana ku sugan London,ayaa waxa uu sheegay in wali maydkii Marxuun Abuukar Soomow uu yaalo goobtii ay rasaastu ku haleeshay oo aan wali la aasin isla markaana la diiday in meydkiisa la qaado goobta uu ku geeriyoodey oo ah ahayd jiida dagaalku ka socday mucaardka iyo dawladda ee xaafadda Tall.

Marxuunka Soomow  ayaa rasaastu haleeshay isaga  oo reerkiisa kala baxsanayey  xaafada Tall oo todobaadkii ugu danbeeyey  madaafiic nooc walba leh lala beegsanayey

Soomaalida kale ee halkaasi ku geeriyootay ayaa waxaa ka mid ah reer ka kooban 10 qof oo  madfac ku haleelay gurigoodii isla xaafadaas Tall  oo iyagana maydadkoodii burburkii guriga ku dhex jiraan, dhaliyaro ayaa iyagana lagu soo waramayaa in ay madaafiic haleeleen guryihii ay ku jireen waxaana ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo sida lagu soo waramayo magaciisa lagu sheegay  C/qaadir oo isaguna xaafadaasi ku geeriyoodey, ninkan dhalinyaradda ah ayaa sida la xaqiijiyey isaga la aasay.

Waxaa isagana la xaqiijiyey in uu isla xaafaddaas ku geeriyoodey Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar ahaa nin  oday da,a ahaa oo isna uu faliidh madfac isaga oo meel maraya  isla xaafadda Tall ka mid ah ku habsaday isagana waxaa la xaqiijiyey in la aasay.

Xaaladda qalafsan  ee haatan ka taagan xaafadda Tall ayaa la sheegayaa in ay tahay mid madaafiic tiro  badan  lala beegsanayo xaafaddaasi iyada ay halkaasi ku sugan yihiin qoysas Soomaali ah oo lagu qiyaasay ilaa 19 qoys,  una badan qaybta lagu magaacabo Xorna oo ahayd halka ay u badnaayeen Soomaalidu,wararku waxay intaasi ku darayaan in ay haatan xaafadaasi ka jirto cunto yaraan baahansan iyada oo laga cabsi qabo qofkii ka badbaada madaafiicdaas ku hoobanaya halkaasi in aanu ka badbaadi karin baahita cunto ee ka jirtaa oo ayba gaajo ugu leedaan.

Soomaalida ku sugan dalka Suuriya ayaa qayladhaan laga soo sheegayaa iyaga oo ugu baaqaya dawlada Soomaaliya  in ay arrintooda waxka qabato iyaga oo codsanay in loosoo gurmado.

Xukuumada Soomaaliyeed iyo Saafaradda Soomaalida ayaan ilaa hadda ka hadlin dadkan dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalada sokeeye ee ka socda Dimishiq  , iyada oo aan wax gurmad ah loofidin qosaska Soomaalida ee godoonka ku ah xaafadda Tall ee ka duleedka Dimishiq.

Soomaalida ku dhaqanayd wadanka Suuriya oo gaadhaysay dhawr kun ayaa badankoodii haatan ka baxeen iyaga oo uga qaxay wadamada Turkiga iyo Masar , qaar badan oo kalena ay dib ugu noqdeen wadamada Qaaradaha Yurub iyo Ameerik

Short URL: http://allssc.com/?p=37625

Posted by on Aug 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery