Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Qaar Kamida Gudiga Farsamada Oo Sheegay In Magacyada Xildhibada Ee Lagu Shaaciyay Barta Internetka Aysan ahayn Wax jira (Warbixin Hoose).

Muqdisho(Allssc): Wararka laga helayo Qaar kamid ah Masuuliyinta gudiga farsamada ee soo xulista barlamaanka ayaa sheegaya in uusan sax ahayn liiska Xildhibaanada la baahiyay.

Xili uu lahadlayay Qaar kamid ah saxaafadda ayaa Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee soo xuliska iyo soo gudbinta Magacyada Baarlamaanka Cusub Pro. C/laahi Xiiray waxaa uu sheegay in xubnaha lasoo gudbiyay aysan ahayn kuwii saxda ahaa.

Waxaa uu sheegay in saacadaha soo aadan ay shaacin doonaan magacyada rasmiga ah ee xildhibaanada ay hayaan.

Bahda Saxaafada ayaa xalay heshay Liiska 202 mudane kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin Xildhibaadana Cusub, list ayaa waxa qaar ka mida warbaahinta soo gaadhsiiyay mid kamida shaqaalaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha. sidoo kale xubnaha lasoo gudbiyay ayaa waxaa ku jira Masuuliyiin ay kamid yihiin Shariif Xasan iyo C/ Gaas.

Waxaase ka maqan Rag badan oo caan ka ahaa siyaasadda Soomaaliya oo ay ku jiraan qab qablayaashii dalka soo maray. Sidoo kale arimaha la isku hayso ayaa ah kootada haweenka ee 30% ahayd oo aan wali dhamaystirnayn.

Gudiga ayaa dib udhigay shaacinta magacyada shalay, hadii ay maanta ku dhawaqi waayaana waxaa lagu wadaa in isniinta lagu dhawaqo.

 

Wixii kasoo kordha kalasoco wararkena danbe hadii Rabi ogolaado.

Maxamed Wali Muqdisho

Allssc Office Muqdisho somalia

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=37915

Posted by on Aug 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery