MAXKAMADDA SARRE QARANKA FADLAN XILKAAGA GARO OO GUDO.
Xusuuqadda ummadda,xurmadda qaranimada,hanaanka garsoorka
iyo cadaaladda,jiritaanka iyo midnimada qaaliga ah kama
gabadaha run sheegida iyo xaq u hiillinta,dulmi,eex iyo
xaq daro ma qaatayaasha indha furan ku hayo guud ahaanba
xaalada Dalkeena hooyo-waxaanu soo dhoweeyneeynaa codsiga
Xurmadle-Madaxweynaha Dowladda Federaalka u gudbiyeey
Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre-Xurmadle-Garsoore Sare-Dr-
Ceydiid Ilka-Xanaf in go’aan sharciyeed laga gaaro arinta
Muran iyo xaalada jaha-wareerka keentay laguna diideey
Qeyb ka mid ah Shakhsiyaadka loo soo xulay Barlamaanka
Cusub.
Waxaanu ka dignay dhoowr jeer qaabka
Khaldan,cadaalad xumadda,musuq-maasaqa iyio habka fara-gelinta
sida joogtada ah eey ugu hayaan shakhsiyaad ka mid ah Madaxda
Sare(ex-Gudoomiyihii Barlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha KMG ah)
dano gaar ahaaneed iyo hab sharci doro culees ku saaray guddiga
farsamada soo xulida Xildhibaanada oo awalba magacaabideed dano
kale ka dameeyeen,anagoo si weyn ugu dhaliileeyna gud.maxkamada
Sare oo si weyn uga jaabiyeey ama dayacay xilkiis qaran.
-Waxaanu ku adkeeyneeynaa Gudoomiyaha Maxkamada sarre Qaranka
in uu sida ugu dhakhsaha badan go’aan sharciyeed arimaha muranku
ka jiro uga soo saaro,iyadoo la wada ogyahay in go’aankoodu
yahay mid kama dameeys ah(Final).
-Sidoo kalle waxaanu ku boorineeynaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare
anagoo aan u tilmaameeyn gudashada xilkiisa in dib loo eego oo
sida ku haboon loo derso eedeeymihii musuqmaasaq iyo luunsashada
hantida qaran oo lagu eedeyeey:-Ex-Gudoonkii Barlaman iyo Ra’isal
Xukuumada Waqtigeedu dhammaaday iyo cidii kale oo ku lug yeelan
kartaba.
-Sidoo kalle Gudoomiyaha Maxkamada sare waxaanu ku boorineeynaa
in uu go’aan ka gaaro qodobna ka soo saaro ku xadgudbida saamiga
Haweenka Somaliyeed oo dastuurka dalku xaq ahaan u ogolaaday 30%
sida muuqata hab bililiqeeysi iyo xaq duudsin cad lagu sameeyeey
cidii xuquuq duudsigu ku cadaado talaabada ku haboon laga qaado
hadii eey noqon laheyn-Odayaasha dhaqanka,gudiga farsamadda ama
Madaxda sarre iyo fara-gelinta lagu sameeyeey habka soo xulida
xildhibaanada beelaha qaarkood oo saxeexayaashu hab xaq daro ah
u boobeen.
Gunaanadka waxaanu ku adkeeyneeynaa Gudoonka Maxkamada Sare in
sida ugu dhakhsaha badan arimimahaas go’aamo sharciyeed laga soo
saaro sida cadaalad,garsoor iyo xaq soor loo helo,garsoorkuna u
noqdo midka dalka ugu sareeya(Alloow Xaqu guuleeysto-aamiiin).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-England-UK-26-08-2012.
Short URL: http://allssc.com/?p=39038













