Maxaabiistii SNM Oo Maanta Khaatumo State Ku Wareejisey Cuqaasha Magaalada Buuhoodle Ee Gobolka Cayn Iyo Haayada Bisha Cas.(Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Waxaa saaka barqadii si toosa ciidamada maamulka Khaatumo State ku wareejiyeen maxaabiistii laga haystey maamulka Hargeisa ee ku sugnaa magaalada Buuhoodle cuqaasha gobolka Cayn.
Maxaabiistan oo ka koobneyd 4ruux wadartooda, Ayaa saaka si toosa looga sii qaadey madaxtooyada maamulka goboleedka Khaatumo State, Halkaasi oo ay ku sugnaayeen mudo dhan ilaa 6bilood.
Maxaabiistan ayaa loo qaadey maanta magaalada Oog ee hoostagta maamulka Hargeisa, Yadoo ay qaadeen ciidamo Shacaba iyo gaar ka mida cuqaasha gobolka Cayn Iyo Sidoo kale haayada Bisha Cas.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ay ku sugan yihiin maxaabiistii laga hayay shacabkii reer buuhoodle ee maamulka Khaatumo State dagaaladii ugu daynbeeyay iyo kuwo kale oo yana marar kale la qabteyba in hada ay ku sugan yihiin magaalada Oog, Isla markaana lagula kala wareegi doono goobtaasi.
Ugu danbeeyntii waxaa magaalada buuhoodle shacabka ku nooli aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo faraxada loo qabo imaanshahah maxaabista laga hayay mudo badan oo markaasi hada la filayo inay iman doonaan kadib saacadaha soo socda.
Sikastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeeysay ee maxaabiis ay isweydaarsadaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle iyo Maamulka SNM ee magaalada Hargeisa ka taliya, Waxaa sidoo kalena horey loo kala gudoonsadey dagaaladii Kaleshaale iyo Hagooganeba maxaabiis aad u fara badan kuwaas oo ka faran badan kuwa hada lays weydaarsanayo.
Hoos Ka Daawo Sawirada Maxaabiista Oo Maamulka Khaatumo State Wareejinayo
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111 Free Call
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=37210


























