(Maqaal )Digniin Shacabka Reer Khaatumo Yaan La Idin Dagin Ee Feejignaadda?
Waxaan ugu horayn hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka reer khaatumo meelkasta oo ay jogaan hadii ay tahay gudaha iyo hadii ay tahay dibada waxaan leeyahay dadaalka aad wadankiina u haysaan sii xoojiya.
Hadii aan ugudo galo maqaalkan aan diirada ku saarayo Horgalayaasha doonayo in ay dagaan shacabka reer khaatumo in ay ka feejignoodaan maadaama ay shacabku yihiin dadka kaliya ee had iyo jeer ialaaliyo midnimada umada soomaaliyeed ee aan la dagi Karin.
Dhawaan waxaa heshiis wada galay horgale Xaglo Toosiye Iyo Hogjoogaha Maleeshiyaadka SNM-ta Siilaanyo Heshiiskaas ayaa ahaa mid la doonayo in wax lagu yeelo maamulka khaatumo state of Somalia kadib markii uu halkaas ka waayay dantii gaarka ahayd ee uu xoglo watay ayaa waxaa uu u biyo shubtay in uu aado dhankaas iyo hargaysa isagoona ku gabanayo dadka waxaan u keenayaa nabad ciidankana waan ka qaadayaa.
Laakiin sida xaqiiqda ah ayaa waxa aay tahay markii ay wada kulmeen ayaa xaglo hadalkiisa waxaa ka mid ahaa siilaanyow kala dooro in dagaalku socdo ciidamadana sidaa isku horfadhiyaan iyo in khaatumo bur burto adiguna aad hadhow shacabka reer buuhoodle aan ka dhigo ciidamo mushaar ka qaadata Somaliland oo aan samayno xaaladii aad ku qabsatay laascaanood oo ah xuduntii gobalada khaatumo.
Siilaanyo ayaa ugu jawaabay waxaan uu ku dhahay war ayaad naga helaysaa ilaa caawa waxaan wada tashanaynaa aniga iyo xirsi si aan xaaladaas meel u saarno intaasna iska sii qayil.
Xaglo ayaa dhahay hawl ayaa igu taagan ilaa caawa aan war idin ka helo adiga iyo xirsi isku taga sidii ayuu beerta ku sii galay xaglo.
Kadib waxaa soo wacay xirsi oo ku dhahay go aan kii aad noola timi waan qaadanay waxaana isku afraganay in aan ciidamada rarno adiguna mid ayaa lagaa doonayaa taasoo ah in aad ciidan beeleed qoyskaaga ah aad diyaariso oo aan mushaarka siino waxaan uu ka balan qaaday wixii aan khaatumo wax ku yeeli kari hargan mayo.
Kadib waxa uu dhahay dhaqaale loguugu tala galayna waan hayaa u diyaar garow in aan hawgalka aan ku heshiino kuna dhaqaaqno.
Dignin gaar ah maamulka khaatumo
Hadaba waxaa is waydiin mudan maamulka khaatumo ee ka taliya deegaanada SSC maxaa ay uga aamusan yihiin xaalada foosha xun ee uu xaglo toosiye heshiiska iyo gor gortanka kula galay maleeshiyaadka SNM-ta
Maamuka khaatumo ciidamadiisa xaq udirarka ah may talaabo ka qaadan shaqsiyaadka caada qaatayaasha ah ee doonayo in ay wax u dhimaan sharafta maamulka khaatumo.
Mexeey ku dhacday in horgalayaasha jooga garoowe iyo haygaysa ay ka baqaan caasimada taariikhiga ah ee taleex maxaase sababay in magaalo madaxda labaad ee khaatumo buuhodle maalinkasta iyadoo maamul ka arimiyo uu wiil yar oo horgale ah u shir jaraa id ugu qabanayaa waa su aalo is waydiin mudan.
Dardaaran Shacabka Reer Khaatumo
Shacabka reer khaatumo waxaan u sheegayaa in ay ilaashadaan maamulkooda khaatumo cadow toosiye ujeedo ayuu leeyahay aad fiiro ogaar ah u yeelataan kana ilaalisaan shaqsiyaadka caada qaatayaasha ah.
Waxaan kale oo u sii digayaa dadka sharafta badan ee ku nool caasimada labaad ee deegaanada SSC buuhoodle in ay diirada ku hayaan waxa so galaya magaalada iyo waxa ka baxaya maamulku waxaa uu shaqayn karaa hadii uu garab ka helo shacabkiisa.
Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa talo waa tiirabi ee aynu noqono kuwa isku talo ah iskuna duuban ka dhidhiiya waxa xun garab istaaga maamulkooda sharafta badan.
Qore-Badru Diin Wadani
Short URL: http://allssc.com/?p=37632













scww aad ayaad ugu mahadsantahay qoraalkaagan sharafta leh ee runta ka hadlaya sidaas ayaa la rabaa in qofkasta oo wax fahmayaa fikradiisa usoo gudbiyo hala isku duubnaado hana la feejignaado rabina ha inaga qabto dhuuni raacyada marba dhinac u ordaya aamiin