Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Magaalada Marka Oo Gacan Ku Haynteeda Lagala Wareegay Al-Shabaab

Muqdisho(Allssc): Saraakiisha Ciidamda AMISOM oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa ey sheegeen in ay la wareegeen gacan kuheenta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col:Cali Aadan Xumud oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada iskaa shanaye ee AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay si awood ah ula wareegeen Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu faafaahin ka bixiyo qaabka ay ula wareegeen iyo hadii ay jiraan waxyaabo kale ee dheeraad ah. Waxaana uu sheegay in waqtigaan aysan faafaahin ka bixineen hasayeeshee sida uu sheegay ay waqtiyada soo aadan ay faafaahin ka bixin doonaana.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan in ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Magaalada Marka.Hasa yeesheee illo kamadax banaan labada dhinac ayaa waxa ey sheegayaan in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ay haatan ku sugan yihiin Degmada Shalaanbood oo 12Km ujirta Magaalada Marka.

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=39113

Posted by on Aug 27 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery