Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Si Kulul U Weeraray Cabdiwali Gaas Iyo Koox Yar Oo Wasiiro ah Oo Khalkhal Ka Waday Dalka Maalmihii U Danbeeyay ( Warbixin + Sawiro),
Muqdisho(Allssc): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Dalka dib ugu soo laaabtay wuxuuna ka warbixiyay safaro uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa iyo sidoo kale shirar uu ka soo qeybgalay.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in gabi ahaanba shirarkii uu kasoo qeebqaatay ay kusoo dhamaadeen guul la taaban karo islamarkaana Dalka Sacuudiga uu kaga soo qeybgalay.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa,id ee uu maanta kuqabtay Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga hadlay ineysan xukumadda Soomaaliya go,aanada uu gaaro iyo degreetooyinka eysan kasoo horjeesan Karin.
Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in wareegtooyinka iyo go,aanada uu gaaro Xukuumadda Soomaaliya aysan ka soo horjeesan karin isaga oo taasi ku sababeeyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaaas uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la weeydiiyay su,aalo ku aadan dilalka loo geesto wariyeyaasha sababta dowladda ay wax uga qaban weyday isaga waxaana uu ku jawaabay inay socdaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysa dilalkaasi.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii dambe wuxuu soo saarayay degreetooyin ku aadan inuu deegaano ku yaalo Gobalada dalka Soomaaliya ka dhigay Degmooyin taasi qaar kamid ah Golaha wasiirada iyo Ra,isal wasaaraha Soomaaliya ey si,aad ah uga so horjeesteen.
daawo sawirada madaxweynaha iyo sida loo soodhaweeyay


















Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Office Muqdisho Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=37648












