Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Kulan La Qaatay Gudiga Xalinta Khilaafaadka Kahor Intii Uusan Safar Ugu Anbabixin Dalka Boqortooyada Sacudiga

Muqdisho(Allssc): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulan la qaatay gudiga xalinta Khilaafaadka isagoona ugu baaqay in la xaliyo cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweyne Shariif  gudiga xalinta Khilaafaadka ayaa waxa uu ahaa mid uu ugu kuur galayay halka ay marayaan howlaha ay hayaan gudigaasi.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah guddoomiyaha gudigaasi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso howsha laguna soo gaba gabeynayo waqtigii loogu talagalay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa sheegay in gudiga xalinta Khilaafaadka looga baahanyahay sidii ay u soo dadajiyaan lahaayeen liiska magacyada baarlamanka iyo guddoomiyaha.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ay haystaan waqti yar loogana fadhiyo in ay ku dhisaan baarlaman iyo guddoomiye si ay u doortaan Madaxweyne, waxa uuna ugu baaqay gudiga in ay xaliyaan cabashada kaaga imaaneysa beelaha qaarkood kuwaas oo ku aadan in faragalin lagu hayo.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif  Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda wadanka Sacuudi carabiya.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen, wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud  iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkooda waxa uuna xusay in dowladda Sacuudi uu Madaxweynaha ka helay casuumaad halkaasna ay uga qeyb galayaan shir ay yeelanayaan wadamada Islaamka.

Radio Muqdisho

Maxamed Wali Muqdisho

Allssc Office Muqdisho Somalia

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=37516

Posted by on Aug 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery