Madaxii Laanta Afsomaliga ee BBCda oo iscasiley waa maxay sababtu?(Daawo Videoga)
(Allssc) Madaxii laanta afsoomaaliga ee BBC Yusuf Garaad Cumar ayaa sheegey in uu isaga tegey shaqadii weriyenimo iyo weliba tii agaasimaha laanta afsoomaaliga ee BBC-da kadib markii uu shaqaale ka ahaa muddo 20 sano ah, waxaana uu sheegey in uu qabanayo shaqo kale oo uu ka hawlgeli doono Soomaaliya.
Yusuf Garaad ayaa ku qorey barta Twitter-ka ee bulshadu ku xiriirto “20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa Somaliya si aan uga qeyb qaato dib u dhiskiisa”
Riix oo Daawo Halkan Hoose

Yusuf Garaad ma caddeyn shaqada uu uu qabandoono waxa ay noqon doonto waxaana uu ku koobey in uu qayb ka noqon doono xasilinta dalkii hooyo waa sida hadalka uu u dhigay.
Yusuf Garaad Cumar waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii Radio Muqdisho sanadihii 80-aadkii, kadib waxa uu Laanta AFsoomaaliga ee BBC-da uga soo warami jirey dalka Talyaaniga isaga oo markii danbe u soo waregey magaalada London, Waxaana uu mar danbe noqdey madaxa laanata afsoomaaliga ee BBC.
Yusuf Garaad waxa uu ahaa nin wax weyn ka bedeley qaabkii lagu yaqaaney shaqadii BBC-da, waxaana weriyaasha qaarkood sheegeen in ay daraadiis shaqada uga tageen, kadib markii ay la shaqeyn kari waayeen, halka kuwa kale oo dhaliila ay ku sheegaan nin damac siyaasadeed lahaa isla markaana mikrofoonka u adeegsada sida uu rabo. Sidoo kale dadka qaarkiis ayaa Yusuf Garaad ku tilmaama shakhsi dedaal badan oo ah madaale, isla markaana wax weyn ka badalay Idaacadii BBC-da taas oo la jaanqaadey waayaha cusub ee saxaafaddu gashey, halka ay markii hore ahayd mid aan is bedelin oo weli dhexdabaalanaysa sanadihii todobaataneeyadii.
Idaacadda BBC-da ayaa waxaa ku sii yaraanaya codadkii sida weyn loo bartey 20-kii sano ee la soo shaafey waxaana horey boorsooyinkooda uga xirxirtey weriyaal badan oo caan ah.
Riix oo Daawo Halkan Hoose
Short URL: http://allssc.com/?p=36870
![garaad-300x199[1]](http://allssc.com/wp-content/uploads/2012/08/garaad-300x1991.jpg)













Maxaa Kahortaagnaa intii hore,? Markii uu dabka shidayey ee hadba qawlaysatada soomaaliya kasoo baxda taageerayey, isku dirka,nin jeclaysiga iyo qabyaalaystanimadda waa waxyaabo kamid ah waxa lagu xasuusan doono. Soo dhisitaankii khaatumo, wuxuu kaalin muuqata kasiiyey BBC-da Jabhadda Somali Nacaybku Daashatay, Wuxuu bedelay Magacii Jabhaddaas, Wuxuuna lameeqaam dhigaa Somaliyadda Guud, Wuxuu ugu yeedhaa Dowlad iyo Jamhuuriyad aan la aqoon meel ay kutaal. Shirarkii London iyo istanbul wuxuu olole ugalay in halkaa somaliland bal aqoonsi kahesho, Taas daliilkeed qodobadan eeg: 1.Devid Cameron wuxuu weydiiyey suaal umuuqanaysay Cod Raadis aqoonsi bal in mar uun yidhaahdo wax s/land kafarxiya. 2. Wuxuu BBC kasheegay BEENTII UWEYNAYD abid taasoo ahayd in SIILAANYO Khudbad shirkii london kajeediyey. 3. Doodaha Jimcaha waxaan taageeradda s/land lagama doodo. 4. Kii istanbul wasiirul Khaarajiyaha UK ayuu isla suaal wadahadaladda kusaabsan uxaglinaysa layimi. 5. Codka Khaatumo Doodaha kuma casuumo. Waxaan somaliland iyo somalia oo siman ahayna masiidaayaan. Heer uugaadhay in warbixin walba oo khaatumo kusaabsan oo daba dhigo in somaliland kahortimi maamulkaa,waa si uu umuujiyo in dhulkaa S.land leedahay. Waxaa kufogaatay KHAATUMO Nacayb . Qofka umadda codka gudbintiisa ugu Caddaalad samayn waayey umalayn maayo in uu umad wax utarayo. Markaa Dagaal Ooge Yusuf cumar Safiir beenaad jabhadda SNM Haweydiisto sida Sxbkiis kahoreeyey.