Madaxda iyo Waxgaradka Galmudug: Caalin cidna kama wakiil aha, xaqna uma laha inuu saxiixo Xildhibaanada khaatumo ha la siiyo Majeerteen
Xurmadle Cabdifitaax Sabriye oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Galmudug ayaa ku tilmaamay heshiiskii Nairobi oo Galmudug ay ka mid aheyd darafyadii heshiiskaasi saxiixay in Caalin uu ku saxiixay magaciisa, oo aanu kaga qeybgelin shirkaasi isagoo metelayey Galmudug, wuxuuna C/fitaax sheegay in madaxweydiinayo Galmudug ay tahay baarlamaankeeda, dhaqankeeda & madaxweyne Jen. Cabdiqeybdiid. “Caalin waxaa is weydiin leh marka uu shirka ka qeybgalayo yuu wakiil ka yahay.? cidda uu wakiilka ka yahay ma ka la tashaday inuu qalinka ku duugo in saamigii ay laheyd beesha KHaatumo inuu qalinka ku duugo inuu afka u dhigto Faroole, teeda kale arrintaasi Galmudug beri bey ka tahay, waxeyna aamisan tahay cidda xaqa u leh in lagala tashado soo xulitaanka xildhibaanada in ay yihiin siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka ah ee soo jireenka ah ee beesha KHaatumo & maamulka Khaatumo” ayuu yiri Cabdifataax Sabriye. “Faroole marka uu shirka imaanayey wuxuu meesha la yimid wixii ay dadkiisa la ogaayeen, Caalin waxaan weydiin lahaa dadkaaga ma kula ogaayeen inaad Faroole u saxiixdo baadilkaasi.? su’aashaasi waxey u taalaa in ay ka jawaabaan Galmudug” ayuu yiri Cabdifitaax. “Caalin maadaama uu naf la caari yahay wax wanaag ah oo ka soo socdaana aysan jirin, wuxuu doonaya inuu noloshiisa ku dhammeysto xaafadda Islii, haddii uu ugu bato Faroole ayuu marti ugu noqon karaa Garoowe” ayuu yiri Cabdifitaax.
Short URL: http://allssc.com/?p=36877












