Maamulka Khaatumo State Oo Ka Hadley Saferka Tuugsiga Siyaasadeeda Ee Xaglatoosiye,:- Cid Uu Matalaa Ma Jirto Isaga Iyo Moryanta La Socotaa, Cid Dirsateyna Ma Jirto, Tuugsi Siyaasadeed Ayay Wataan.(Dhageyso Wareysiga)
Buuhoodle(Allssc)Maamulka Khaatumo State oo ka hadley socdaalka Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar ayaa waxa uu maamulka ku sheegay inaysan waxba kajirin waxa ay u tageen.
Hadaba mar aanu khadka tellephone ka ku wareysanay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu noo sheegay Agaasimuhu in aanay jirin cid ku taageersan Xaglatoosiye howsha uu isagu wato, Isla markaana aysan ahayn sidani qaab nabad lagu heli karo.
Sidoo kale waxa uu agaasimuhu noo sheegay in aanu matalin haba yaraatee bulshada ku dhaqan gobolada SSC, Yadoo hadalka ku darey agaasimuhu in bulshadu leedahay maamul, Hadii nabad loo baahan yahayna loo soo mari karo maamulka ka dhexeeya gobolada SSC ee Dowlad Goboleedka Khaatumo State Of Somali.
Si kastaba ha ahaatee Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa sheegay in uu Xaglotosi ku dhaqaaqey arin aad u fool xun isla markaana aysan raali ka ahayn bulshada ku dhaqan gobolada SSC ee maamulka Khaatumo State, Talaabo na laga qaban doono ka maamul ahaan iyo ka Shicib ahaanba.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Khaastumo State Oo aanu Khadka Tellephone Ka Ku Wareysanay.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=36912













Khaatumo Hala timaado Sharci wax looga Qabanayo Dadka Horgalayaasha ah, kana Mamnuucayo Soo Galitaanka Carro Khaatumo. Agaasimuhuna Wuu mahadsan yahay, Viva Khaatumo
KHAATUMO waa in ay samayso HAD’ADDII sharci dejinta ee
wax ka qaban lahad dadka gaysta DEMBIYADDA qaran ee
SSC dhulkeeda iyo shacabkeeda laga galo.
Gaar ahaan Golaha Sare e Dhaqanka Khaatumo waa in ay go’aan
kama dambays ah ka soo saaran si guudna oo simana loo wajaho
calooshooda u shaqaystayaasha si aan reerna reer kale ugu mar-marsoon.
khaatumo guulaysatay ee ha waarto,
cadowgeeduna ciil ha u dhinto.