Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ma Baraarugnaa? Reer Faroole Waxba Isuma Nihin!

Faroolow Saaddambaad Garan!
Qore: Salaad Buraale II

” Hagardaamadaaduba hurdadayga kicisaa, hawl baan u xaytaa,
hilin iga fogaa baan ku hambaaberaayoo,gaadhaa hadhowtee,

wax kastaba hulaaqdoo, cadow igu hubaysoo,
horgal igu shuqaysoo, dabin ii hagoogtoo,

cay ii horaysoo, sixir ii habaysoo,
hoos iila dirirtoo, hanjabaado tuurtoo,

waxaad hugun lahayd iyo, waxaad hoorri wadataba,
ku habsaami waayee…maad habaarka igu deyi?!”… Waa hees aan u tiriyey Farooley.

Waxa cad in Faroole uu hungo taagan yahay oo uu ku khasaaray khammaarkii siyaasadeed ee ciyaarayey. Laakiin waxaa la yaab igu noqotay kuwa ka quusan la’!
Markii ay siyaasiyiinta iyo hoggaan dhaqameedka Khaatumo ku cabbudhiyeen garoonka siyaasadda oo uu doonayey inuu ku raadiyo sadbursiinyo magaca beelaha Khaatumo ayuu xaal kaga ururay baroor iyo xulufaysi qabiil oo la galo Gaas oo ay awel ku colloobeen kursi doonkiisa iyo xanuunka uu qabo ee la yidhaahdo laygalama tashan,balse waxa wanaagsan in uu ogaado Faroole in aan Reer Khaatumo faa’iido maahee khasaare weligood ka qaadin colaad lagu khasbay.

Dadka reer Khaatumo way kufaan,laakiin way kacaan waxyna ka qaadaan ad-adayg iyo isku duubni, waxase ayaan darro ah inay gaadheen heer wax ma garad Faroole oo kale ahi soo haweysto cadkooda.

Shirkii shalay ka dhacay Nayroobi ee Kooxda Sixiroolayaasha Roadmapku ku kulmeen wuxuu iftiimiyey hawsha balaadhan ee u taal aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Khaatumo. Waxa shirkaas sabab u ahaa in lagu kala cadhoodo waxay ahayd dhowr arrimood laakiin midda ugu muhiimsan ee khusaysa reer Khaatumo waa iyadoo laga dooday cida soo xulaysa xildhibaanada metelaya Dhulbahante. Faroole ayaa shirka keenay in xildhibaanada reer Khaatumo isaga lagala tashado halka Shiikh Shariif arrintaa ku gacan saydhay.

Waxaan la yaaban markaan Mahiga afkiisa ka maqlay magaca beesha Dhulbahante!.

Waa arrin culus. Way fiican tahay in ay muuqato xasaasiyadda ku meersan deegaanada Khaatumo. Waaba faa’iido ayaan leeyahay. Marka Hillary Clinton Iyo Obama is weydiiyaan maxaa khilaafka keenay ee la yidhaahdo waxay ka kacday “Dhulbahante”. Waxay markiiba aadayaan GOOGLE oo ay ka raadinayaan Dhulbahante iyo taariikhdiisa.
Mahiga ayaa habeen kasta xog u gudbiya Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey Ban Ki Moon. Marka Mr. Moon weydiiyo maxaa laysku khilaafay ee uu u sheego inay Khaatumo ka kacday,waxaan hubaa inuu awelba Moon la socdey xaalada ka taagan gobolada SSC. Taasi waxay caalamka baraysaa muhiimadda iyo miisaanka ay leedahay qaddiyadda gobolada Khaatumo ka kooban tahay.

Balse waxaa habboon in dadweynaha Khaatumo kala bartaan cadowgooda iyo nacabkooda.

Waxyaabaha ayan wadaagi karin Reer Khaatumo iyo Farooley waxa ka mid ah;

1-Wadaniyadda; Waxay reer Khaatumo u tanaasulaan wixii midnimada,qarannimada iyo madaxbanaanida ummada Soomaaliyeed dani ugu jirto halka Farooley eegto dantooda gaarka ah iyagoo aan innaba kala aqoon qiimaha xorriyada iyo gunnimada isticmaarka.

2-Caaddifadda;Waxaad mooddaa inay weli taagan yihiin 1991kii. Colaad qabiilada qaar ay u qabaan sida Sacadka Habargidir iyo beelaha kale ee Hawiye ayay waxay ku biiriyeen nacaybka iyo xaasidnimada ay u qabaan beelaha Daarood sida Absamaha,Marreexaanka,Dhulbahantaha,Warsangeliga iyo Laylkasaha. Halka beelaha Khaatumo yaqaanaan in la dagaalo haddana la heshiiyo oo aanay wax tegey gocan.

3-Dagaal qunjuraafka; Farooley toos cid la awood ah uma aaddee qofkii ay markaa u arkaan inuu yara liico ayay jecel yihiin inay kusii joogsadaan,reer Khaatumose cad caddaan ayay wax ku qaybsadaan nin jiifana ma sii laadaan.

4-Ehelnimada; Ma jirto ehelnimo Farooley xeeriso.Mid Soomaalinnimo iyo mid sokeeyenimo toonna. Jaarnimana warkeedaba daa.

Haddaba dadka reer Khaatumo waa inay ogaadaan labada aag colaadeed ee ku furan ayanna u dhega nuglaan beerlaxawsi siyaasadaysan,ayna bahaystaan beelaha Soomaaliyeed ee xornimada iyo sharaftooda jecel.

Qoraaga Salaad Buraale II waxaa lagala xidhiidhi karaa modaher291@hotmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=36842

Posted by on Aug 7 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Ma Baraarugnaa? Reer Faroole Waxba Isuma Nihin!”

  1. DHeere power

    majedhen waa cadow aad u xun inta uu nabad kugu yeelo colaad kuguma yeelo
    awelba waxba isuma ahayn hadeerna waxay ina tuseen futadooda
    majedhen waxay leyihin dhaqan xun qofka dila oo kufsada ayey tixgeliyaan
    waxaa daliil u ah 1991 Cabdiqaybdiid wuxuu ka diley 750
    C,lahi yusuf wuxuu ka dhigay qaybdiid taliyaha ciidanka boliska Somaliya
    Afsabiile-faroole wuxuu qaybdiid ku marti qaaday tuulada garowe weliba wuxuu u keenay gabdho majedhen ah Comfort grls !
    marka Dhulbahante waa inuu warankiisa dhulka kaga dhacay dib u qaado
    somaliduna ma xishooto way baqaan waa inaynu xaqeena wax u dilno.

  2. asc horta dhaaman waa salamayaa somalida dheere power sxb cabdi qaybdid haduu dilay 750 rag ah oo MJ ah inteeh habar gidir ah oo sacad ama cayr ah ayuu dilay markuu cabduuli yusuf umagacaabay tiliyaha poliska ilaa 2000 waa dilay DAYNUUNAY waad xasuusataa iyoh BANDIIRADLAY sxb dagaal xabad mahaan ee waaa maskax byby

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery