Kulankii Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo ka Socda Guriga Golaha Shacabka
Muqdisho ( AllSSC-News):- Kulankii guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay guriga golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay kasoo qayb galeen dhamaan 16-ka xubnood ee guddiga ayaa waxaa looga hadlaayaa qaabka ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xubnaha guddiga ayaa goordhoyd kala aaday salaadda Jimcaha marka la isku soo laabto ayaa la filaayaa in ay ku dhawaaqaan wakhtiga dioorashada iyo shuruuadaha looga baahan yahay musharaxiinta.
War ay horay u heshay AllSSC ayaa sheegaayey sheegaayey in doorashada Madaxweynahu dhici doonto 5-ta bisha September hase yeeshee lama oga wakhtiga ay guddigu ku dhawaaqi doonaan.
La soco go’aanka kasoo baxa guddiga
Xafiiska Wararka Muqdisho
Short URL: http://allssc.com/?p=39495












