Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Kulan Adag Oo Jilbaha La Isu Dhigay Oo Hada Kasoconaya Madaxtoyada Somalia, Kulanka Oo ay Qayb Kayihiin Madaxweyne Shiikh shariif, Mahiga Iyo Gudiga Farsamada (Warbixin Hoose).

Muqdisho(Allssc): Waxaa haatan ka soconaya xarunta madaxtooyadda  kulan aad udag oo udhaxeeya Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga iyo Gudiga Farsamada ee soo xulitaanka Xildhibaanada cusub.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG uu ka qeyb yahay kulankan. Dad ku dhow dhow  waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo qaabkii  Fowdada ahaa ee xildhibaanada Cusub ee liiska been abuurka ah loo gudbiyay.

Sidoo kale Waxaa jira warar sheegaya in kulanka looga hadlayo sababtii ka danbaysay in lasoo gudbiyo xubnahan cusub iyadoo aan lasoo marsiin Xafiiska QM ama nuqulo aan loo soo dirin Madaxda dowlada.Ergayga QM Mahiga ayaa la sheegay in uu aad uga carooday in liiska Xildhibaanada lasoo gudbiyay uu warbaahinta ka ogaado.

Sidoo kale Arimaha looga hadlayo waxa kamid ah in la jabiyay sharci kamid ahaa sharciyada kaas oo dhigayay in gudiga uusan wax shaqo ah kulahayn xildhibaanada lasoo gudbinayo nooca ay yihiin hase ahaatee loo baahan yahay oo kaliya in ay aqoontooda eegaan.

 

Siyaasada ayaa aad usii cakirantay kadib markii Laga waayay Liiska Barlamaanka rag magac ku leh Buslahada dhexdeeda, waxaana kanid ah madaxweynaha isla xiligan talada haya ee Sh Shariif Sh Axmed

Wixii kasoo kordha kalasco Warbaahinta Codka Shacabka Allssc

Maxamed Wali Muqdisho

Allssc Office Muqdisho Somalia

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=37927

Posted by on Aug 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Kulan Adag Oo Jilbaha La Isu Dhigay Oo Hada Kasoconaya Madaxtoyada Somalia, Kulanka Oo ay Qayb Kayihiin Madaxweyne Shiikh shariif, Mahiga Iyo Gudiga Farsamada (Warbixin Hoose).”

  1. Nadiya

    Siday ku suura gashay in shariif sakiin iyo c/wali gaas ay gudiga farsamada rumuutka u qabtaaan? ma awal ayay iyagu taageerayeen/ halkuusa jiray sheekh shariif marka la soo xulayay?

Qormadaada

Photo Gallery