Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Kenya Oo Digniin Adag U dirtay Qaswadayaasha Soomaaliya(Warbixin)

Nairobi(Allssc)War-kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay digniin cad u direyso dadka loogu yeero qaswadayaasha lidka ku ah geedi socodka nabada Soomaaliya kadib 20 Bishan Aug oo loo madlan yahay in la dhiso dowlad cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Warsaxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa lagu sheegay in Kenya ay diginiin adag u direyso dadka caqabada ku ah nabada Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan ” waxaan digniin cad u direynaa dhamaan dadka ku howlan carqaladeynta,curyaaminta iyo dib u dhigida qorshaha hannaanka geedi socodka nabada wadanka Soomaaliya waxaan dul dhigi doonaa ciqaab adag ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Kenya Kibaki.

Dadka ku hawlan ficilada aan kor ku xusnay waxay la kulmi doonaan abaal marinta tacadiyada ay geystaan waxaana lagu soo rogi doonaa cunaqabateyn iyo ciqaab adag ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Kenya ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqday iney ka qeyb qaataan qorshaha nabada Soomaaliya ee ay gar wadeenka ka yihiin Midowga Afrika si Soomaaliya ay usoo ceshato sharaftii iyo haybadii ay ku lahayd beesha caalamka.

Kibaaki ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed looga fadhiyo inay taageeraan qorshaha meel marinta Road-mapka kaasoo uu sheegay in Soomaaliya uu u horseeday waa cusub iyo horumar ay hiigsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweyne Kibaaki ayaa lagu soo gabagabeeyay in Kenya ay wax walba ku taageeri doonto meel marinta hab raaca nabada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Hadalkan Kenya ayaa imaanaya iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay isweydiinayaan kuwa ay yihiin qaswadayaasha ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay sheegaan balse aan wali la carabaabin kuwa ay yihiin arintaas oo ay bulshadu ku tilaameen inay tahay u jeedo la damacsan yahay in lagu aamusiyo waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si aysan fekir ugu yeelan xaaladaha wajiyada badan ee kasocota dalka Soomaaliya.

Allssc News  Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111

Short URL: http://allssc.com/?p=37934

Posted by on Aug 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery