Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ilaalada Cabdi Wali Gaas Oo Rasaas Ooda Kaga Qaaday Shacabkii Usoo Baxay Soo Dhoweynta Ra’isal Wasarihii Hore Maxamed Cabdulahi Farmajo (Daawo Sawiro).

Muqdisho(Allssc): Magaalada Muqdisho ayaa habeenimada Caawa ah waxaa taagan buuq aad u faro badan, kaas oo Shacabka Muqdisho u istaajiyay koox koox, waxaa buuxa goobaha lagu kulmo, dhamaan dadkan waxay is waydiinayaan Sababta Cabdiwali Gaas Ilaaldiisa ay xabada ula dheceen Shacabka Masaakiinta ah ee Soman  dhiigooda dhulka loo daadiyay.

Waxaa hore Ra’isal wasaaraha uu buuq badan uga dhaliyay gudaha Madax Dhaqameedka Somaliyeed isaga oo maalmihi u danbeeyay waday olole uu ku boobayo Xildhibaanda cusub ee ka mid noqon doona Barlamanka Somalia. Cabdiwali Gaas ayaa quudaraynayay in uu Cadad badan ka helo xildhibaanada soo socda isaga oo hunguri kaqaba in xildhibaanada Cusub ay gacan ku siiyaan sidii uu marlabaad ugu soo bixi lahaa kursiga Ra’isil wasaaranimo ee Somalia.

Waxaa Boobka xildhibaanada maanta qariyay Weerarka badheedhka ah ee Mudane Gaas ku qaaday  Shacabkii soo dhoweynayay Ra’isal Wasaarihii hore ee isaga ka horeeyay Maxamed Cabdulahi Farmajo. Shacabka ayaa weerarkan ku tilmaamay mid caalwaa ah oo Gaas ku doonayay inuu ku niyad jabiyo Taageerayaasha Farmaajo, isaga oo dhinaca kalana doonayay inuu Baqdin galiyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Dhacdadan waxaan ka hadal Musharaxa Madaxweyne ee Somalia Maxamed Cabdulahi Farmajo,mar aanu la xidhiidhnay Saraakiil Sar Sare oo ku dhow Farmaajo ayaa arintan ka gaabsaday. Waxaase dhacdadan laga war helayaa marka Muqdisho Waa Bariisato.



Kalasoco Wixi ikasoo Kordha Wararkayaga Danbe

Maxamed Wali Muqdisho

Allssc Office Muqdisho Somalai

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=37122

Posted by on Aug 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Ilaalada Cabdi Wali Gaas Oo Rasaas Ooda Kaga Qaaday Shacabkii Usoo Baxay Soo Dhoweynta Ra’isal Wasarihii Hore Maxamed Cabdulahi Farmajo (Daawo Sawiro).”

  1. Waa in askarigii rasaas ta ku furtay dadka la soo qabto maxkamad ma lataago

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery