Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ha U Sheegina Ogaadeen !!

Bismilahi Raxmaani Raxiim, Ciid Mubarik, Culu-Caam Wa’antum Bi Khayr. dhaaman Shaqalaha iyo akhristayasha iyo anagiba waxaan leeyahay Alle ha inaga aqbalo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu ku dadaalay Bishi barakaysnayd ee ina dhaaftay, Alle ha inaga dhigo kuwii Danbigoda hore iyo kooda danbaba la dhaafo.

Maqalkayga waxa uu ku saabsanyahay inaan wax yar ka iftiimiyo Khiyaanada siyaasada  ee Wakhtiga Doorashada, qiyaanadan waa mid dhalanteed ah oo loo muujiyo dad ama xisbiyo aad ka doonayso inay codkooda ama taageradodoa ku siiyaan marka aad u tartamayso kuraasta sare ee Dwoladeeda.

Hadaba Khiyaanadan Siyaasadeed ayaa ah mid codkaaga lagugu dhaafsanayo wax muuqda, marna waa mid lagaaga iibsado Xariifnimo iyada oo aan wax lagu siin wax muuqdana laguu balan qaadin, balse laguu sawiro Mala awaal aan waxba ka jirin.

Loolanka maanta ka jira somalia ee loo kala tartamayo kuraasta sare Sida Madaxweyne Shiikh Shariif ,Cabdiwali Gaas,Shariif Hasan, Cabdulahi Cadow Farmaajo ninba waxa uu dadka uu ka doonayo codka u balan qaadayaa wax yaabo kala duwan.

Marka aan eegno Madaxweyne Shariif,Farmaajo, Cabdulahi Cadow, iyo raga la midka ah waxa ay u balan qadayaan oo Codka dadka ay danaynayaan kaga iibsanayaan wax muuqda marka laga tago Nabadgalyada, Horumarinta Deegaanda oo had iyo jeer siyaasiyiintu balan qaadaan, midaas oo dhaman bulshada somaliyeed u siman tahay.

Balse waxaa jira balan qaadyo sida golaha Wasiirada,Wasiiro ku xigeenada,Agaasimayaasha, wasiiro Dowlayaasha, Gudiomiyayaasha Dagmooyinka, Hayadaha Dowlada dhinac kasta, waxaanan maqnayn Safaardaha. Waxaas oo dhan waxaa u badna tahay in qayb la helo hadii Siyaasigii balan qaday loo codeeyo.

Lakin aan eegno Cabdiwali Gaas oo balanqadka noocaas ka duwan u balan qaaday Beesha Ogaadeen oo aysan ku jirin absamaha  intiisa kale, balanqaadkan ayaa ah mid Beesha Daarood iyo bulshada Somaliyeed aad uga qosliyay. Balanqaadkan ayaa lagu matali karaa nin aan Gaadhi wax ka aqoon oo laga kireeyey Rimoodh aan tayiro lahayn kaas oo loo sheegay in dhakhso uu u gayn doono meeshuu ku jeeday.

Cabdiwali Gaas ayaa Beesha Absame kala jajabiyay isaga oo Ogadeen banaanka ka mariyay walaalohood Absame intii kale waxa 12 Xidhibaan ee Absame uu Ogaden siiyay 10 Xildhibaan isaga oo qadiyay Absame intiisa kale. Cabdiwali Gaas oo ku guulaystay talabadiisii hore ee uu Ogaadeen garbaha uga rifay ayaa talabadisia danbe ku eegaya sidii uu mar labaad Ogaden Daarood banaan uga marin lahaa. Cabdwiali Gaas ayaa beesha Ogaadeen dhagta u saaray in uu gacanta u galin doono Mamaulka kismaanyo iyaga oo kaliyana uu mulki siin doono.

Kismanyo iyo Jubada Hoose ayaa waxa daga dad kala duwan oo kasoo jeeda beelha Somaliyeed, waxa maamul ka hirgala deegaankaas uu ku saxmayaa iyada oo Daka deegaanka si walaaltinimo leh u wada fadhiistaan una wada gartaan inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Waa wax la layaabo in Cabdiwali Gaas beesha Ogaden ku qanciyo in ay iyagu Mamaul gooni ah kaligood u gaar ah ka dhisayaan Kismaanyo, waxa la is waydinayaa sida Beesha Ogaden ugu qanacday hadana ay ugu diyaar yihiin inay codkoda siiyaan Cabdiwali Gaas oo balan qaad aan la arag u qaaday Beesha.

Sida aad ku aragtan Ciwaanka Maqalkayga ee ah Ha U sheegina Ogadeen ayaa laga helay kalmadaas Waraaq sira oo dhowana lagu dabacay gobaga Internetka midaas oo ay iswaydaarsanayeen Beesha uu kasoo jedo Cabdiwali Gaas, beeshaas oo ka wada hadlayay arimo hoose oo ay ka midyihiin waxa ay la damacsanyihiin Kismanyo iyo Deeganada Hoos yimada, iyo sidoo kale,  sida mustaqbalka laga yelayo Deegaanka Kismanyo iyo sida maamul aan Ogaden madax uga ahayn loga hirgalinayo.

Waxaan maqalkeyga kusoo goynayaa Ninka Hooyadii Ka Tagay Ayadii Ku Nagaanmayo Ninka Absame iyo Darood ka Guurayow Cabdiwali Gaas iyo jufadisii ku nagaanmaysid.Halkan Ka Akhriso. Waxaa la yidhi Sagaaro wax la arki Doono bay qar qarisaa  midaas oo ah Saaladeeda. Odagenow Cabdwali waxa uu qarqarinayo waa wax banaan yale ee haku kadsomina.

Halkan Hoose ka Daawo Absame iyo Adeerkood oo aad uga cadhaysan xaqdarada loo gaystay Halkan Ka Daawo.

 

Mustafe Nuur

m-nuur1@hotmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=38047

Posted by on Aug 21 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Ha U Sheegina Ogaadeen !!”

  1. Ogaadeen haduu Wanaag u hayo ha usoo celiyo dadkii ay amxaarada ka iibsadeen ee la laayay. Kuwa hada Puntland lagu silicdilyeynayana ha joojiyeen.

    War goormaan wax fahmeynaa oo aan Mahbarka baran doonaa?

  2. Ali

    Waligiinba Shaardh soo Gashada Cadowga Dr Gaas wax aad ka qaadi karaysan ma aay jirto.

    Mxweynaha Dhawaan la dooran doono Dr Gaas Xafidulah,, Gaaweetooyinka soo diyaarsada Gunadana waa la idiin qorin

  3. War idinka miyaadan dadka la tartami karin? Ya idin diidan inaad madaxweyne isu soo sharaxdaan? Maxaad Mj had iyo goora dusha uga xag xagataan war u daaya Mj cadowgiisa ha iska dhiciyee idinna waqtigiina qaata. Wabillaahi tawfiiq

  4. asc all war ninka warkan qoray waxan ku shegaya inad colad darood ismail abuureyso wayo ogaden manoqon karo nin la qiiyami karo ama gaass indhol qiiyani karo wa dad waxoda bananka u tagan ee af xumada ad mesha ku heyso nala dhaaf o adiigu wax noqo o meel istaag mj iyo ogaden haku af marsane horbar yeelo aggah o idoorka ka xorow ogaden wadankiisii dhiisaye waxyarbana no haraye

Qormadaada

Photo Gallery