Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Gudiga Farsamada Oo Ogolaaday Qaar Ka Mid Ah Xildhibaannadii Lagu Muransanaa “Dhageyso”

Mugdisho(Allssc)Gudiga Farsamada ee iyagu ku howlanaa qabashada magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda cusub ee Dalku yeelanayo ayaa tilmaamay in galabta ilaa caawa ay ogolaadeen qaar ka mid ah Xildhibaannadii lagu muransanaa islamarkaana la hadal hayey in gudigu horey u celiyee.

Pro C/laahi Xiireey la gudoomiyaha gudiga Farsamada ee ku howlan qabashada Xildhibaannada cusub oo caawa wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in gudigu galabta ilaa iyo caawa ay ogolaadeen in kabadan 20 Xildhibaan kuwaasi oo iyagu soo buuxiyey sharuudihii looga baahnaa islamarkaana lagu sameeyey baaritaanno.

Arintan ayuu sheegay Prof C/laahi Xiireey la gudoomiyaha gudiga Farsamada iney timid markii gelinkii dambe ilaa iyo caawa ay xubnaha gudigan uu kalan uga socday magaalada Muqdisho, hadana tirada Xildhibaannada la hayo ay tahay 239 Xildhibaan inta ay hada ogolaadeenna la dhaarin doono.

Mar wax laga weydiiyey la gudoomiyaha gudiga farsamada Prof C/laahi Xiireey iney xildhibaanadan yihiin kuwo ay horey gudigu u celiyeen ayuu yiri “anaga inaan diidno xildhibaanno ay odayaal dhaqameedyada beelahooda soo gudbiyeen ma lihin balse xubnaha hada lagu tilmaamayo inaan diidnay waxey ahaayeen xubno ay ka dhinnaayeen qaar ka mid ah sharuudahooda hadana way soo dhameystireen dokomentiyadooda,baaritaanna waan ku sameynay,qaar kale oo beelahooda aysan marka hore kusoo heshiinna wey jireen”

Ugu dambeyntii Prof C/laahi Xiireey la gudoomiyaha gudiga farsamada waxa uu rajo ka muujiyey in dhowaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo dhameystirmaan tirada ka dhiman Mudanayaasha Baarlamaanka oo ay 36 Xildhibaan si ay uga qeybgalaan kulamada Baarlamaanka oo ay doorashooyinka soo socda ugu horeeyaan.

Gudiga farsamada qabashada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka ayaa horey usoo gudbiyey magacyada 215 Xildhibaan kuwaasi oo horey loo dhaariyey waxaana iminka muuqata in howsha soo xulista Xildhibaannada ay mareyso gebo gebo maadaama ay gudigu hayaan magacyada 239 Xildhibaan.

(Riix Halkan Dhageyso)

Alls News desk/Online
Rashiid kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014154491111

Short URL: http://allssc.com/?p=38628

Posted by on Aug 23 2012. Filed under Wararka, Waraysi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery